Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku magacaabay Khadiijo Maxamed Al Makhzuumi Wasiirka cusub ee Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka. Magacaabistan ayaa ku soo beegantay kadib markii xilkaas muddo 148 maalmood ah uu hayay Wasiir Bashiir Maxamed Jaamac, taas oo muran badan dhalisay tan iyo markii la bedelay magacii hore ee wasaaradda.
Wasaaradda oo hore u ahaan jirtay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ayaa u muuqata mid dib ugu soo laabatay haweenka. Bishii July ee sanadkan ayaa Wasiir Bashiir Goobe loo magacaabay xilka, taas oo keentay in ragga iyo dumarka loo furo hoggaanka wasaaradda. Dad badan ayaa isweydiinaya sababta isku shaandheyntan, iyadoo doodo badan oo hore looga qabay magacaabistii Wasiir Bashiir Goobe loo arko inay qayb ka tahay isbeddelka maanta dhacay.
Magacaabis Kale oo La Sameeyay
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale isku shaandheyn ku sameeyay wasaarado kale:
- Daahir Shire Maxamed ayaa loo magacaabay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, beddelaya Cabdirisaaq Cumar Maxamed.
- Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo hore u ahaa Wasiirka Qoyska ayaa loo wareejiyay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.
- Cismaan Axmed Macoow ayaa loo magacaabay ku xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, xil uu horay u hayey Ibraahim Maxamed Cali.
Gorfaynta Magacaabista
Magacaabista Khadiijo Maxamed Al Makhzuumi waxay calaamad u tahay tallaabo ay dad badan ku farxeen oo dib ugu soo celisay haweenka hoggaanka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, oo hore loogu yiqiin inay tahay boos loogu talagalay haweenka.
Si kastaba ha ahaatee, isbeddelkan siyaasadeed ee ka dhacay xukuumadda ayaa lagu tilmaamayaa mid muhiim ah oo saameyn ku yeelan kara maamulka iyo isuduwidda wasaaradaha. Waxaa la sugayaa sida isbeddeladan ay u saameyn doonaan howlaha qaranka iyo siyaasadda dalka.