Tuesday, December 24, 2024

Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jabuuti oo La Siiyay Qalab Casri ah

Jabuuti – Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jabuuti ayaa maanta lagu wareejiyay qalab casri ah oo kor loogu qaadayo awooddooda la-dagaallanka tahriibka sharci-darrada ah iyo fulinta howlaha samatabbixinta badda. Munaasabadan oo ka dhacday Xarunta Tababarka Badda ee Xerada Doraleh ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin sare oo ka kala socday hay’ado caalami ah iyo dowladda Jabuuti.

Kornayl Wais Omar Boqoreh, Taliyaha Ilaalada Xeebaha Jabuuti, ayaa soo dhaweeyay marti sharaf ka kala socday Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), Barnaamijka Maareynta Tahriibayaasha, iyo Midowga Yurub. Waxaa ka mid ahaa Tanja Pacifico, Wakiilka IOM ee Jabuuti; Leila Hassan, Isuduwaha Qaranka ee Barnaamijka Maareynta Tahriibayaasha; iyo Krystian Spodaryk, Sarkaalka Ganacsiga iyo Wakiilka Wakiillada Midowga Yurub ee Jabuuti iyo IGAD.

Leila Hassan ayaa ku ammaantay Ilaalada Xeebaha Jabuuti kaalinta muhiimka ah ee ay ka ciyaaraan la-dagaallanka tahriibka iyo taageerada hawlgallada bani’aadamnimada. Waxay sheegtay in dadaallada Ilaalada Xeebaha Jabuuti ay yihiin kuwo lagu daydo maadaama ay mar walba u taagan yihiin badbaadinta nafta.

Tanja Pacifico ayaa dowladda Jabuuti ku ammaantay sida ay uga go’an tahay maareynta xaaladaha degdegga ah iyo dadaallada loogu talagalay samatabbixinta tahriibayaasha. Sidoo kale, Krystian Spodaryk ayaa ballan qaaday in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageerada joogtada ah, oo ay ku jiraan taageero dhaqaale, si loo xoojiyo maamulka socdaalka iyo amniga badda ee gobolka.

Kornayl Bogoreh ayaa u mahadceliyay dhammaan wakiillada ka qaybgalay munaasabadda iyo hay’adaha taageerada bixiyay, isagoo xusay in qalabkan cusub uu muhiim u yahay horumarinta howlgallada Ilaalada Xeebaha Jabuuti iyo in la taageero socdaal nidaamsan oo lagu dhowrayo xuquuqda aadanaha.

Dhacdadan ayaa qayb ka ah dadaallada caalamiga ah ee lagu taageerayo Ilaalada Xeebaha Jabuuti si ay uga hortagaan tahriibka sharci-darrada ah iyo inay xoojiyaan amniga badda gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here