Sunday, April 20, 2025

Maxaa Laga Filayaa Kulanka Soomaaliya iyo Itoobiya ee Addis Ababa?

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa wafdi muhiim ah u dirtay magaalada Addis Ababa si ay ula kulmaan madaxda Itoobiya, kulankan oo ah kii ugu horreeyay oo aan cidna garwadeen ka ahayn tan iyo markii uu billowday khilaafkoodii ku saabsan heshiiska Itoobiya iyo Somaliland.

Wafdiga, oo uu hoggaaminayo Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa sidoo kale ka mid ah Taliyaha Nabad Sugidda Qaranka, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), iyo xubno kale oo muhiim ah. Ujeedada kulankan waa dardargelinta iyo hirgelinta heshiiskii Ankara ee Turkiga, oo diiradda lagu saarayay xallinta khilaafka labada dal iyo xoojinta wada shaqeynta.

Qodobada Muhiimka ah ee Lagaga Hadlayo

  • Hirgelinta heshiiskii Ankara oo dhigaya in labada dhinac ay ixtiraamaan madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
  • Xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal si loo horumariyo nabadda iyo amniga gobolka.
  • Dhib u xallinta arrimaha ku saabsan heshiiskii muranka dhaliyay ee Itoobiya iyo Somaliland.

Heshiiska Ankara, oo ay garwadeen ka ahayd Turkiga, ayaa muhiim u ahaa hagaajinta xiriirka labada dal. Kulankan Addis Ababa ayaa laga filayaa inuu noqdo mid wax ka beddela xiriirka labada dhinac, iyadoo la rajeynayo in iskaashi cusub oo dhinaca amniga iyo dhaqaalaha ah uu kasoo baxo.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa muddo dheer isku khilaafay arrimo badan oo siyaasadeed iyo istiraatiiji ah, waxaana la filayaa in wada hadalladan ay dajin doonaan xiisadaha u dhexeeya, ayna horseedi doonaan horumar dhab ah oo dhexmara labada dal.

Wafdiga ayaa dib ugu soo laaban doona Muqdisho, iyagoo la filayo inay soo gudbiyaan horumar muuqda oo ku saabsan xiriirka labada dal.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here