Friday, December 27, 2024

Jabuuti oo Heshiis Amni oo $7.5 Milyan ah la Saxiixatay Japan

Jabuuti, oo ku taalla meel istaraatiiji ah oo isku xirta Aasiya, Bariga Dhexe, Afrika, iyo Yurub, ayaa tallaabo weyn u qaaday xoojinta amniga badda Gacanka Cadmeed iyadoo heshiis cusub la saxiixatay Japan.

Dowladda Jabuuti ayaa heshiis amni oo 1.1 bilyan yen (qiyaastii $7.5 milyan USD) ah la saxiixatay Japan si loo xoojiyo amniga badda ee Gacanka Cadmeed. Heshiiskan oo qeyb ka ah barnaamijka “Caawinta Amniga Rasmiga ah” (OSA) ee Japan, waxaa si rasmi ah 25-kii Diseembar 2024 u kala saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Mahmoud Ali Youssouf, iyo Ku-xigeenka Safiirka Japan ee Jabuuti, OSHIMA Hiroyuki.

Sida ay sheegtay dowladda Japan, heshiiskan ayaa lagu xaqiijinayaa ilaalinta marin-biyoodyada muhiimka ah ee ganacsiga caalamka, iyadoo Jabuuti ay door muhiim ah ka ciyaareyso xoojinta xasilloonida gobolka. Sidoo kale, mashruucan wuxuu muujinayaa sida iskaashiga amni ee caalamiga ah uu muhiim ugu yahay sugidda nabadda iyo amniga caalamka.

Heshiiskan ayaa la filayaa inuu xoojiyo awoodda Jabuuti ee ilaalinta badda, iyadoo lagu maalgelinayo nidaam radar xeebeed iyo kaabayaasha la xiriira ee loogu talagalay Ciidanka Badda ee Jabuuti. Mashruucan wuxuu sare u qaadi doonaa awoodaha kormeerka iyo ilaalinta, wuxuuna taageeri doonaa wacyiga ku saabsan marin-biyoodyada si loo hubiyo amniga badda ee gobolka oo dhan, gaar ahaan dalalka deriska ah.

Heshiiskan wuxuu ka tarjumayaa sida labada dowladood ay uga go’an tahay iskaashiga dhinaca amniga. Japan ayaa muujisay muhiimadda istaraatiijiga ah ee Jabuuti, iyadoo saldhigga Ciidamada Isdifaaca Japan ee ku yaalla Jabuuti uu yahay kan kaliya ee Japan ku leedahay dibadda. Xaruntan waxay muhiim u tahay howlaha ka dhanka ah burcad-badeednimada iyo ilaalinta xasilloonida marin-biyoodyada caalamka.

Jabuuti oo ah xarun muhiim ah oo loo maro isu socodka maraakiibta caalamka, ayaa heshiiskan u aragta fursad weyn oo kor loogu qaado awoodda qarankeeda ee dhinaca amniga badda, iyadoo sidoo kale sare loo qaadayo xiriirka istaraatiijiga ah ee kala dhaxeeya Japan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here