Sunday, January 5, 2025

Waa Imisa Miisaaniyadda Gobolka Banaadir ee 2025?

Muqdisho – Taariikhda: 30 Diseembar 2024 – Golaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyey Miisaaniyadda Gobolka Banaadir ee sanadka 2025. Miisaaniyaddan oo hal-ku-dhegga sanadkan uu yahay “Magaalo Cagaaran, Nabad ah iyo Adeegyo Dowladeed oo Tayo Sare Leh” ayaa lagu wadaa inay xoojin doonto horumarka bulshada iyo adeegyada guud ee gobolka.

Wadarta miisaaniyadda 2025 ayaa gaartay $101,274,078.22, taas oo muujineysa koror dhan 38% marka loo eego sanadkii hore. Miisaaniyaddan ayaa si weyn diiradda u saareysa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, iyo xoojinta maamul wanaagga iyo amniga.

Qodobbada Muhiimka ah ee Miisaaniyadda

  • Dakhliga Guud: $101.27 milyan, oo isugu jira:
    • Canshuuraha gudaha: $58.48 milyan (58%).
    • Lacagaha adeegyada iyo khidmadaha: $14.62 milyan (14%).
    • Deeqaha iyo taageerada: $28.18 milyan (28%).
  • Kharashaadka Guud: $101.27 milyan:
    • Kharashka joogtada ah: $67.67 milyan.
    • Kharashka raasumaalka: $33.61 milyan.

Mudnaanta Miisaaniyadda

Miisaaniyadda 2025 ayaa xoogga saareysa:

  1. Kaabayaasha Dhaqaalaha – 48% miisaaniyadda ayaa loo qoondeeyey dhismaha iyo dayactirka waddooyinka iyo bulaacadaha.
  2. Adeegyada Bulshada – 12% ayaa lagu bixin doonaa caafimaadka iyo waxbarashada, oo ay ku jiraan dhismaha xarumo caafimaad iyo dugsiyo cusub.
  3. Amniga iyo Siyaasadda – 12% ayaa lagu maalgelin doonaa amniga bulshada iyo doorashooyinka golayaasha degaanka.
  4. Maamulka iyo Maaliyadda – 15% ayaa loo qorsheeyey horumarinta maamulka iyo daahfurnaanta maaliyadeed.
  5. Maamul Wanaagga – 12% ayaa lagu xoojin doonaa qorsheynta iyo hufnaanta maamulka.

Mashaariicda Waaweyn ee Sanadka

Miisaaniyaddan cusub ayaa lagu fulin doonaa mashaariic ay ka mid yihiin:

  • Dhismaha iyo dayactirka waddooyinka iyo bulaacadaha.
  • Kobcinta adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka.
  • Kor u qaadista nadaafadda iyo bilicda magaalada.
  • Taageeridda nabadda iyo xasilloonida bulshada.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, oo ka hadlay ansixinta miisaaniyadda, ayaa sheegay in tani ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu gaari karo yoolka ah in Muqdisho noqoto magaalo cagaaran oo ku naaloonaysa horumar iyo amni. Waxa uu xusay in miisaaniyaddan ay xoogga saarayaan isla xisaabtan iyo ka-qaybgalka dadweynaha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here