Tuesday, January 7, 2025

Godey: Cidlada oo u Bedelantay Dhul Miradhal ah

Mashruuca waraabka ee galbeedka Godey, degmada Beercaano, ayaa maanta si rasmi ah loo daah-furay, isagoo ballanqaaday inuu nolosha bulshada gobolka ka beddeli doono. Mashruucan oo ay ku baxday ku dhawaad 3 bilyan oo Birr (qiyaastii 54 milyan oo Dollar), ayaa la sheegay inuu ka dhigi doono Godey mid hodan ku ah wax-soo-saarka beeraha.

Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Axmed Cali, Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxumed Cumar, iyo Wasiirka Waraabka iyo Dhulka Joogiisu Hooseeyo, Dr. Abraham Belay.

Mashruucan oo ay hirgelisay Wasaaradda Waraabka ee Itoobiya wuxuu ka faa’iideyn doonaa dhul dhan 10,000 hektar oo waraab ah, halka 3,000 hektar oo kamid ah hadda dalagyo kala duwan lagu beeray. Dalagyada la filayo inay ka baxaan waxaa ka mid ah qamadi, galley, iyo miro kale oo badan.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Axmed, ayaa ku tilmaamay mashruucan mid wax weyn ka beddelaya deegaanka Godey, isagoo yiri:
“Dhulkii cidlada ahaa ee aan horay u soo arkay maanta wuxuu noqday dhul hodan ah oo rajeyn leh. Wuxuu siinayaa fursado badan, heer nololeedka bulshada ayuu kor u qaadi doonaa, wuxuuna abuuri doonaa isku xirnaan dheeraad ah.”

Mashruucan ayaa kamid ah dadaallada Dowladda Itoobiya ee lagu horumarinayo deegaanka Soomaalida, waxaana la rajeynayaa inuu sare u qaadi doono dhaqaalaha iyo nolol-wanaagga bulshada beeralayda ah ee gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here