By Sayyid Omar,
@SayyidOmer
Hargaysa, Somaliland – Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayaa si rasmi ah u beenisay warar la xiriira duqeymo ay fuliyeen Taliska Mareykanka ee AFRICOM ee ka dhanka ah Daacish, kuwaas oo la sheegay in lagu beegsaday Buuraha Golis.
Warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda ayaa lagu beeniyay warka Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Peter Hegseth, kaas oo lagu eedeeyay inuu ku sheegay in duqeymuhu ka dhaceen gudaha Somaliland. Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland ayaa xaqiijiyay in howlgalladaasi ay ka dhaceen Buuraha Galgala oo ku yaalla Puntland, kana mid ah Soomaaliya.
“Duqeymaha cirka ee ay fuliyeen Taliska Mareykanka (AFRICOM) ee ka dhanka ah ISIS ma ahayn mid ay ku beegsadeen buuraha Golis ee ku yaalla gudaha xuduudaha Somaliland” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Somaliland waxay mar kale adkeysay inay tahay dal madax-bannaan oo leh xukuumad si dimuqraadi ah loo doortay, hay’ado shaqeynaya iyo xuduudo sugan. Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa xusay in Mareykanku si buuxda u garowsan yahay in Somaliland aanay ka mid ahayn Soomaaliya iyo maamul goboleedyadeeda.