By Sayyid Omar
Boosaaso – Ciidamada Amniga Puntland ayaa xalay hawlgal ay ka fuliyeen xeebaha Gobolka Bari ku qabtay doon sidday tuute iyo agab kale oo ciidan.
War rasmi ah oo ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland ayaa lagu xaqiijiyay in doontaasi iyo dadkii la socday oo dhammaantood Soomaali ah lagu qabtay xeebta deegaanka Qaw, oo ka tirsan Boosaaso. Saraakiisha amniga ayaa sheegay in la wado baaritaano dheeraad ah, si loo xaqiijiyo cidda lala xiriirinayo saadka hubka iyo tuutaha ay wadeen.
“Ciidanku waxay gacanta ku hayaan oo baaritaan ku wadaan doon waday tuute iyo agab ciidan iyo ragii watay, waxaana laga qabtay biyaha deegaanka Qaw ee Gobolka Bari,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Puntland sida lagu baahiyay TV-ga ku hadla afka Puntland.
Howlgalkan ayay ku sheegeen in ay qeyb ka tahay dadaallada Puntland ay ku adkeynayso amniga deegaanadeeda iyo sidoo kale la dagaallanka kooxda Daacish ee isku dayaya inay helaan saadka uga yimaada dhanka badda.
Tan iyo markii uu bilowday Hawlgalka buuraha Calmiskaad, Puntland waxay ciidamao dheeraad ah geysay dhammaan deegaannada xeebaha Gobolka Bari, si loo go’doomiyo saadka dhinaca badda uga yimaada kooxda Daacish, kuwaas oo ku tilmaamay in ay isku dayayaan inay helaan agab militari.