Thursday, February 6, 2025

Dib u soo laabashadii Asad iyo kulanka Madaxweyne Xasan.

Muqdisho, Soomaaliya Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada ku soo dhaweeyay Youtuber-ka caanka ah Asad Hagio, isaga oo ku ammaanay go’aankiisa geesinimada leh ee uu dib ugu soo laabtay dalka, xilli uu horey dhibaato ugala kulmay Al-Shabaab.

Intii kulanka uu socday, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Cabdixakiim Maxamed Yuusuf, ayaa Asad Hagio gudoonsiiyay Billadda Adkaysiga Soomaaliyeed

Weerarkii 2012

Asad Hagio ayaa 27-kii Agoosto 2012 lagu dhaawacay magaalada Marka, weerar ay fuliyeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, oo uu ka mid ahaa Maxamed Xaaji (Ilkacase).

Ilkacase ayaa 2020 sheegay inuu goob joog u ahaa xilligii la dhaawacayay Asad, balse uu isagu ka qeyb qaadan . maxkamadda ciidamada ayaa xukun dil ah ku riday ilkacase , waxaana la toogtay isla sanadkaas.

Asad Hagio, oo muddo 12 sano ah ku noolaa Malaysia, ayaa hadda dib ugu soo laabtay Soomaaliya. Waxa uu Muqdisho kala kulmay soo dhaweyn aad u ballaaran, maadaama uu yahay shaqsi si weyn looga yaqaan baraha bulshada, gaar ahaan YouTube.

Share this article

Recent posts

Previous article

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here