By Sayyid Omar
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubaland ayaa maanta bayaan ka soo saartay dagaalkii ka dhacay 5-tii Febraayo magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, iyada oo weerarkaasi ku eedeysay dowladda federaalka Somaaliya.
War saxaafadeedka Jubaland ayaa lagu sheegay in dagaalka uu sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. Waxay si gaar ah farta ugu fiiqday in weerarkaasi uu yahay mid qorshaysan oo ay wadaan ciidamada federaalka ee ka amar qaata madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre, iyaga oo ku eedeeyay in ay doonayaan xasilooni-darro iyo dhiig daadin.
“Waaan hoosta ka xarriiqaynaa in dagaalkii ka dhacay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, Bulshadana waxyeelo ka soo gaartay in ay masuuliyaddiisa qaadanayaan Xasan Sheekh iyo koodiisa oo u ooman daadinta dhiigga shacabka, si ay mansab iyo kursi ugu gaaraan.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Jubaland.
Dhanka kale, dowladda federaalka ayaa weerarkaas ku sheegtay in uu ahaa mid looga hortegayo koox qaswadayaal ah oo fal arbushaad ah ka samayn rabay degmada Baardheere.
War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha Federaalka ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsanaa kooxdan, iyagoo sheegay in ay fashiliyeen qorshahoodii. Bayaanka ayaa intaas raaciyay in dowladda ay si adag uga hortegi doonto falalka noocaan ah.
Dowladda oo eedeyn culus hor dhigtay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa bayaanka ka soo baxay ku tiri, “Eedeysane Axmed Madoobe ayaa weli ku mashquulsan abaabulka ficillo sharci-darro ah iyo dhiig-daadinta muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuwaas oo sii kordhinaya dambiyadii uu horey u galay.”
Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya, ka dib markii 4-tii bishan ay Jubaland sheegtay in ay gacanta ku hayaan xarunta degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Khilaafka dowladda Federaalka iyo Jubaland ayaa soo bilowday dhammaadkii bishii October ee 2024, kaas oo salka ku haya diidmada Axmed Madoobe ee ku addan doonista dowladda ee doorasho qof iyo cod ah, taas oo sababtay in uu iskaga baxo shirka Golaha Wadatashiga Qaran. Axmed Madoobe ayaa 25-kii November 2024 dib loogu doortay doorasho ka dhacday magaalada Ksimaayo.