Tuesday, March 18, 2025
Array

Cirro oo soo dhaweeeyey baaqa Deni ee nabadda Sanaag

By Sayyid Omar

Madaxweynaha Soomaaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa soo dhaweeyay baaqa Nabadeed ee Puntland ee ku aaddan xiisadda ka aloolsan magaalada Ceerigaabo.

Madaxweyne Cirro ayaa madaxtooyada Soomaaliland ku qaabilay madax-dhaqameedka Somaliland ayaa ku booriyay in ay nabadda ka shaqeeyaan, isla markaana khilaafaadka jira lagu xalliyo dariiq nabadeed.

“Dhibaatada ka jirta Sool bari iyo Sanaag, xukuumaddu waxay u aragtaa in nabad lagu xalliyo, laakiin waajibaadkeeda kama tagi doonto, waana inay difaacdo shacabka.” ayuu yiri Cirro.

Cirro oo ka jawaabaya farriinta baaqa nabadeed ee madaxweyne Deni, ayaa yiri, “Waxaan soo dhaweynayaa baaqa nabadeed ee Puntland ee ah in Sanaag nabad lagu mideeyo, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa ergada nabadda.”

Waxayna u baahan nahay reer puntland hadaynu nahay waxaanu qiraynaa inaan diyaar u nahay inaan dadka walaalaheena ee soomaaliyeed ee degaanka wadaagno inaad nabad kula noolaanno, annagoo xuquuqdeena ilaashanayna, sidoo kale annagoo ixtiraamayna xuquuqda dadka deriska ay leeyihiin.” ayuu horey u yiri madaxweyne Deni.

Xukuumadda cusub ee Soomaaliland ayaa marar badan sheegtay in ay doonayso in colaadda ka taagan Sool iyo Sanaag lagu xalliyo si nabadeed, iyada oo dhawaan uu madaxweynuhu magacaabay guddi ka shaqayn doona nabadda. Xukuumadda Cirro ayaa sidoo kale sheegtay in ay qaaday tallaabooyin lagu xasillinayo magaalada Ceerigaabo, iyadoo laga saaray ciidamadii madaniga ahaa, isla markaana loogu baaqay dadkii qaxay inay dib u soo laabtaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here