Sunday, March 16, 2025
Array

Madaxweyne Cirro oo dhagax dhigay waddo isku xiri doonta Hargeysa iyo Balligubadle.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta si rasmi ah dhagax dhigay waddo muhiim ah oo isku xiri doonta magaalooyinka Hargeysa iyo Balligubadle.

Dhismaha waddadan, oo kamid ahaa ballanqaadyadii uu horey u sameeyay Cirro, ayaa si weyn loogu rajeynayay in ay wax weyn ka tari doonto isku socodka iyo horumarka deegaanka.

Munaasabadda dhagax-dhigga, oo ka dhacday magaalada Balligubadle, ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, waxgarad, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Madaxweynaha oo halkaas ka jeediyay khudbad, ayaa xusay in waddadani ay door muhiim ah ka qaadan doonto isku xirka Somaliland iyo Itoobiya, taasoo sare u qaadi doonta ganacsiga iyo dhaq-dhaqaaqa bulshada.

“Sidaan horey ugu ballanqaadnay, waxaan ahmiyad weyn siin doonaa dhismaha waddooyinka dalka, gaar ahaan kuwa muhiimka ah ee isku xira ilaha dhaqaalaha iyo magaalooyinka. Waddadaan waxay isku xireysaa dalkeena iyo dalka aan deriska nahay. Sida uu Abdiqaadir yiri, waa waddo muhiim u ah ganacsiga Somaliland iyo Itoobiya,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Safarka xarig-jarka ah ee uu Madaxweyne Cirro ku tegay Balligubadle ayaa ah kii ugu horreeyay ee uu gudaha Somaliland ku sameeyo tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muujinaysa sida uu uga go’an yahay fulinta ballanqaadyadii hore, iyada oo waddadani ka mid tahay mashruucyo lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Sida ay sheegeen masuuliyiinta Somaliland, dhismaha waddadan ayaa ku kici doonta lacag u dhexeysa $5 milyan ilaa $7 milyan. Waddadan cusub ayaa wax weyn ka tari doonta: Fududeynta isu socodka dadka iyo gaadiidka, Kor u qaadista ganacsiga iyo dhaqaalaha gobolka, Xallinta baahiyo badan oo ay bulshada deegaanka horey u qabeen

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here