Luuq, Gedo, Soomaaliya – Dagaal beeleed ayaa ka qarxay 9-kii Febraayo degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeya laba beelood oo dega gobolka. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalkan uu salka ku hayo muran la xiriira maamul iyo xukunka degmada.
Wasiirka Amniga Gudaha ee Jubaland, Yuusuf Xuseen Cismaan, iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo ayaa kulan ka yeeshay xalinta colaadda ka taagan degmada Luuq. Waxay ugu baaqeen beelaha dirirtu u dhaxayso in ay joojiyaan dagaalka, ayna nabad ku raadiyaan wada-hadal iyo is-afgarad.
Ugaas Maxamed Xasan, oo ka mid ah isimada dhaqanka ee mid ka mid ah beelaha dagaalku u dhaxeeyo, ayaa labada dhinac ugu baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, loona xalliyo khilaafaadka iyada oo la adeegsanaayo wada-hadal iyo is-faham.
“Dagaalka Luuq ka bilowday shalay ma ahan mid aan taageersanahay, mana aanan filayn in uu dhaco. Waxaan ugu baaqayaa dhamaan dhinacyada in ay colaadda joojiyaan. Waxaan rabnaa nabad. Haddii dagaalku sii socdo, dadku way ka shallayn doonaan mustaqbalka,” ayuu yiri Ugaas Maxamed Xasan.
Wasiirka Amniga ee Jubaland ayaa sidoo kale beelaha ugu baaqay in ay xabbadda joojiyaan oo ay miiska wadahadalka yimaadaan, isagoo uga digay fal kasta oo xaaladda uga sii dari kara isla markaana caqabad ku noqon kara dib u heshiisiinta.