Wednesday, March 12, 2025

Somaliland oo badeecado shuruudo kusoo rogtay

Shire Abdi

Hargeysa, Somaliland – Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland ayaa soo saartay amar cusub oo la xiriira tayada iyo cimriga badeecadaha soo galaya, iyadoo dib u habayn iyo cusboonaysiin ku samaysay xeerarkii hore. Wareegtadan, oo soo baxday 16-kii Febraayo 2025, ayaa si gaar ah u saameynaysa cuntada, dawooyinka, iyo agabka qurxinta ee loo soo dhoofiyo Soomaaliland.

Sida ku cad xeerarkan cusub, cuntada soo galaysa Somaliland waa in ugu yaraan 60% cimrigooda guud uga harsan yahay marka ay gaaraan xuduudaha, dekedaha, iyo madaarrada. Dawooyinku waa in ay u harsan tahay inta u dhaxaysa 50% ilaa 60% cimrigooda guud marka ay soo galaan Somaliland, halka agabka qurxinta uu ugu yaraan 50% cimrigooda uga harsan yahay marka la keeno.

Wareegtadan cusub ayaa faraysa dhammaan ganacsatada inay u hoggaansamaan shuruudaha cusub. Cid kasta oo aan u hoggaansamin waxa laga qaadayaa tallaabo sharci ah.

Xeerarkan cusub, ayay hay’addu sheegtay, in ay kor u qaadi doonaan badqabka cuntooyinka, dawooyinka, iyo agabka qurxinta, taas oo yareynaysa halista badeecadaha dhacay. Waxay sidoo kale uga digeen ganacsatada in cidii aan sharcigan raacin la marsiin doono ciqaab sharci ah.

“Xeerkan waxa uu muhiim u yahay ilaalinta caafimaadka iyo badqabka macaamiisha, wuxuuna xaqiijinayaa in badeecadaha ay wali yihiin kuwo tayadoodu sareyso,” ayaa lagu yiri wareegtada, oo uu ka saxiixnaa Mukhtaar Maxamed Cali, guddoomiyaha hay’adda.

Cimriga badeecadda waa muddada u dhexeysa taariikhda wax-soo-saarka iyo taariikhda dhicitaanka badeecadda, taas oo muujinaysa in badeecaddu weli tahay mid ku habboon isticmaalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here