Wednesday, March 12, 2025

Soo dhaweynta Jabuuti ee hoggaanka Midowga Afrika

Jabuuti ayaa si weyn u soo dhawaysay doorashada diblomaasiga sare, Mohamud Ali Yusuf, oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Midowga Afrika. Doorashadan, oo ka dhacday xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa, Itoobiya, ayaa loo arkaa guul muhiim u ah Jabuuti iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo qeyb ka ahaa soo dhawaynta ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Jabuuti-Ambouli, ayaa hambalyo u diray Mohamud Ali Yusuf, isagoo ku tilmaamay diblomaasi khibrad dheer u leh arrimaha Afrika iyo kuwa caalamiga ah.

Mohamud Ali Yusuf, oo ka hadlay soo dhaweenta ballaaran ee uu ka helay shacabka Jabuuti ee isugu soo baxay Barxadda Madaxtooyada Jabuuti, ayaa u mahadceliyey Madaxweyne Geelle taageerada uu u muujiyey.

“Madaxweynahayga qaaliga ah 25 sano ayuu kalsooni buuxda isiiyey, wuu i tababaray, wuu ila taliyey, wuu i dhiirrigeliyey. Horay u soco ayuu igu yiri, maanta guusha hadey soo hoyatay fadliga isagaa iska leh Alle ka sokow,” ayuu yiri Mohamud Ali Yusuf.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, oo xarunteedu tahay Djamal Abdinasir Avenue, Jabuuti, ayaa bayaan rasmi ah ku sheegtay in doorashadan ay xoojinayso saameynta Jabuuti ee siyaasadda Afrika, islamarkaana ay tahay fursad lagu horumarinayo danaha gobolka Geeska Afrika.

Doorashadan ayaa timid xilli Jabuuti ay dadaal ugu jirto kor u qaadista doorkeeda diblomaasiyadeed, iyadoo horey uga mid ahayd dalalkii ugu horeeyay ee taageeray isbeddelada lagu sameynayo Midowga Afrika si kor loogu qaado waxqabadka ururka.

Waxaa la filayaa in Mohamud Ali Yusuf uu si rasmi ah ula wareego xilkan maalmaha soo socda, isagoo ballan qaaday inuu diiradda saari doono horumarinta hannaanka fulinta ee Midowga Afrika.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here