Thursday, March 13, 2025

Jubaland oo uu eedeeysay Federaalka musuqmaasuqa Mashaariicda!

Kismaayo, Jubaland – Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa si adag ugu eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay siyaasadeysay mashaariicda dhaqaalaha iyo fursadaha maalgashiga ee Jubaland, taasoo uu ku tilmaamay caqabad weyn oo hortaagan horumarka dalka.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay furitaanka Shirweynaha iyo Bandhiga Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jubaland oo ka dhacay magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa si cad u sheegay in Dowladda Federaalka aysan mudnayn in lagu aamino masuuliyadda maamulka howlaha muhiimka ah sida mashaariicda horumarineed, isagoo ku eedeeyay inay mashaariicda dalka u adeegsatay siyaasad, taasoo dhaawacday isku xirka dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe.

“Maanta dowladda dhexe wax kasta oo Jubaland ay lahayd oo shaqo ahaa oo aan xaq u lahayn way joojiyeen, way siyaasadeeyeen, sida ayaga rabaan ayeeyna u dhigeen. Macneheedu waxa uu yahay, annaguna inta dowlad Soomaaliyeed oo howlaha aan isugu nimaadno la helayo, ma doonayo. Hay’aduhuna inay soo maraan, wax nalaga dhexeeyaa ma jiro. Ma aqoonsani maanta dowlad Soomaaliyeed oo dano Soomaaliyeed ka shaqeyneysa, dowladna xaramar ka shaqeyneyso,” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Wuxuu intaas ku daray in dowladda dhexe aysan jirin, isagoo ku tilmaamay shirkad ka shaqeysa Muqdisho oo dano gaar ah leh, kana shaqeysa burburka iyo halaagga Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubaland ayaa sheegay in maamulka Jubaland uu si madax-bannaan u maamuli doono dhammaan mashaariicda maalgashiga iyo adeegyada bulshada ee ka hirgalaya deegaannada Jubaland.

Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay maalgashadeyaasha gudaha iyo dibadda in Jubaland ay diyaar u tahay inay si toos ah ula shaqeyso. Wuxuu xusay in maamulka Jubaland uu si buuxda u taageerayo mashaariicda maalgashiga, gaar ahaan kuwa ka faa’iideysanaya dhaqaalaha buluugga ah.

“Jubaland waxay diyaar u tahay inay la shaqeyso cid kasta oo maalgashi sameynaysa — hadday yihiin shirkado doonaya inay maraakiib keenaan, warshado dhisaan ama kheyraadka badda ka faa’iideystaan. Waxaan diyaar u nahay inaan ruqsadaha siino, la heshiino, oo kala shaqeyno sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha gobolka,” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Hadalkan Madaxweynaha ayaa imaanaya iyadoo Jubaland horay sidaan oo kale ugu eedeysay dowladda dhexe siyaasadeynta mashaariicda Jubaland.

Dowladda Federaalka ma aqoonsana Axmed Madoobe inuu yahay Madaxweynaha Jubaland, iyadoo horey uga hortimid doorashadiisa islamarkaana waaran soo qabasho u jartay. Dhankiisa, Axmed Madoobe ma aqoonsana dowladda dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, xiisadda u dhaxeysa labada dhinac ayaa u muuqata inay sii xumaaneyso, iyadoo khilaafka u dhexeeya labada dhinac uu sii xoogeysanayo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here