Thursday, March 13, 2025

Al-Shabaab oo Dib U Weeraraysa Deegaano Horay Looga Qabsaday.

Soohoyde

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo maanta ka dhacay deegaano hoostaga gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii Al-Shabaab ay weeraro ku qaadeen deegaano lagala wareegay laba sano kahor.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanada Ceel Cali Axmed, Cali Fooldheere, Al Kawsar, iyo Daarulnimca, waxaana uu dhexmaray Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo garabsanaya kuwa deegaanka.

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay si buuxda isaga difaaceen weerarka, iyagoo jab u geystay Al-Shabaab.

 War-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in 130 xubnood oo Al-Shabaab ah lagu dilay dagaalka, halka sidoo kale ay ciidamada dowladda gacanta ku dhigeen gaadiid dagaal iyo hub badan.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Fartaag, ayaa sidoo kale xaqiijiyay guusha ciidamada dowladda. “Cadowga meel walba waa lagu jabiyay, saaka ugu dambeysay waxay weeraro ku qaadeen deegaano ka tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, balse waa lagu jebiyay,” ayuu yiri wasiirka.

Deegaanada la weeraray ayaa waxa ay dowladda Soomaaliya kala wareegtay  Al-Shabaab sanadkii 2023, kadib howlgal ballaaran oo lagu qaaday gobollo dhowr ah.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horay u ballanqaaday in muddo hal sano gudaheed ah ay la wareegi  doonto dhammaan deegaanada wali gacanta  Al-Shabaab ku jira.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here