Mucaarad iyo muxaafad xildhibaanadi ka soo qeyb galay waxa ay khudbadiisa ku dhageysteen jawi dagan oo aan buuq laheyn, waxa uu ujeediyay khudbad iskugu jirtay difaacid xukuumadiisa iyo rajada mustaqbalka Soomaaliya oo marka hadalkiisa loo fiiryo ay ka muuqato raja sare.
Waxaan halkaan kugu soo gudbin doonaa 6 arin oo koobeysa Khudbadii madaxweyne Xasan ee maanta uu ka jeediyay Furitaalka kalfadhiga 6-aad ee labada gole ee Baarlamaanka.
- Sahminta Shidaalka: Madaxweynaha ayaa ka hadlay halku uu marayo sahminta iyo soo saarista shidaalka dalka, isagoo xusay warbixinadi lala soo wadaagay ay ka muuqatay dhibaatooyin badan oo ka dhacay badda gudahiida kuwaas oo ka dhashay kaluumeysiga sharcidarada ee ka dhaca biyaha Soomaaliya isagoo sheegay in loo adeegsaday qalab mamnuuc ah in lagu kaluumeysto kaas oo hadda qeyb ka ahaa caqabadaha laguy argay inti ay socotay sahminta shidaalka ee jawaabteeda turkida laga sugayo.
- U Jawaabista Siyaasiyiinta: dabcan ma aha wax ku cusub khudbadaha Xasan, waxaa dhowr jeer madal uu ka hadlay kama maqneyn u jawaabista siyaasiyiinta ka argatida duwan. Madaxweynaha ayaa kuwa ka aragtida duwan ee banaan jooga ka ah dowlada uu hogaamiyo ugu baaqay in ay wax ka badalaan saadaalinta mustaqbalka.
- Xarunta Dhaqaalaha Buluuga IGAD: Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in muqdisho laga dhisi doono Xarunta Dhaqaalaha Buluuga ee Urur Goboleedka IGAD, dadaalna ay ugu jiraan sidii qof Soomaali ah ugu noqon lahaa Madax, hadii ay dhacdo waxay fursad weyn u noqon doonaataa dalka in laga faa’iideysto kheyraadka badda iyo horumarinta dhaqaalaha buluuga ah.
- Doorashada: Madaxwnuhu waxuu dowaladiisa ugu amaanay in ey ka baaqsatay Qaadashada wax deeen ah isla markana ay sanduuqeeda ka biixneyso inta badan qarashka doorashooyinka qof iyo codka ah ku baxaya. Isaga oo intaas ku daray in doorasha qalabka lagu codeyn doono uu noqon doono mid casri ah oo lagu kalsoonaan karo, balse mucaaradka maku qanci doonaan, mase loo joojin mayo ayaa ka dhici doonto
- Dagaalka Daacish iyo Al-Shabaab: waa war la filayay in uu Xasan ka hor sheegi doono Golaha, Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dagaalka u dhaxeeyay AS iyo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo isku garab ah, …….kama tagin dagaalka ka socda Bari, waxa uu puntland ku booriyay dagaalka ay kula jirto Daacish, taageerana waa uu ubalana qaaday, waxa uuna sheegay in Xukuumadu dhawaan magacaabi doonta gudi ku saabsan sidii loo garab istaagi lahaa ciidamada puntlnd.
- Xarunta Dayaxgacmeedka: “Dalkeena waxaa laga dhisayaa markii ugu horeesay xarun dayax gacmeed laga ganayo”, Ayuu yiri Madaxweynuhu isaga oo sheegay in qaaarada afrika dalkii ugu horeeyay ee dayax gacmeed laga tuuro, soomaaliya ay noqon doonto. Howlaha saldhigaasna sanadkaan dabayaaqadiisa lasoo gabagabeen doono.
Maxay kula tahay in ay soomaaliya ka faa’dio doonto in Soomaaliya wadan kale ka tuuro dayax gacmeed?