Muqdisho, 25 Febraayo 2025 – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in iyada oo kaashaneysa Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ay duqeyn cirka ah ka geysatay magaalada Alkowsar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoo beegsaday bartilmaameedyo muhiim ah oo Al-Shabaab ay halkaasi ku lahayd.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeyntan, oo si wadajir ah u fuliyeen AFRICOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka, ay bartilmaameedsatay hoggaanka sare ee Al-Shabaab, kuwaas oo horey looga adkaaday dagaallo ay la galeen ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka.
Sida lagu xusay bayaanka, qiimeynta khasaaraha ka dhashay duqeyntan ayaa weli socota, waxaana la filayaa in xog dheeraad ah laga bixiyo marka baaritaanku dhammaado.
Howlgalka Mareykanka weli dhankiisa wax war ah kama soo saarin duqeyntan ay sheegtay dowladda.
Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo shalay Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, oo kaashanaysa Ciidanka Xoogga Dalka, ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo lagu dilay 19 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, taasoo ka dhacday magaalada Alkowsar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dagaalladii ugu dambeeyay ee todobaadyadii la soo dhaafay ayaa si gaar ah ugu xooganaa deegaanno ka tirsan Hirshabeelle, halkaas oo dowladda ay ka waddo dadaallo lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab.