Friday, March 14, 2025

Jabuuti Oo Martigelisay Shirweyne Caalami Ah Oo Ku Saabsan Tamarta Mustaqbalka

bakarosman

Magaalada Jabuuti ayaa martigelisay shirweyne heer sare ah oo looga hadlayo tamarta la cusboonaysiin karo iyo tiknoolojiyadda casriga ah. Shirkan, oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Jaamacadda Jabuuti iyo Jaamacadda Istanbul ee Turkiga, ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee lagu qabto Jabuuti.

Khubaro, cilmi-baarayaal iyo xirfadlayaal ka kala socday in ka badan 50 jaamacadood oo caalamka ah ayaa ka qaybgalay, halka jaamacadaha gobolka, sida Hargeysa, Camuud, Jaamacadda Ummadda iyo Jaamacadda Benaadir, ay ka mid ahaayeen marti-sharafta shirkan. Wafdiyada ka kala socday jaamacadahaas ayaa soo bandhigay cilmi-baarisyo la xiriira tamarta la cusboonaysiin karo.

Guddoomiyaha Jaamacadda Jabuuti, oo shirka guddoomiyay, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo is-dhaafsiga aqoonta ee la xiriira tamarta iyo tiknoolojiyadda casriga ah. “Shirkan waa mid muhiim u ah kobcinta cilmi-baarista iyo iskaashiga jaamacadaha, si loo horumariyo habab waara oo tamarta dib loo cusboonaysiin karo looga faa’iidaysto,” ayuu yiri. Wuxuu intaas ku daray in Jabuuti ay leedahay mashaariic horumarsan oo dhinaca tamarta ah, loona baahan yahay in la xoojiyo iskaashiga cilmiyeed si waaxda tamarta ee dalka loo horumariyo.

Dhankiisa, Xasan Madal oo ka tirsan Jaamacadda Farsamada ee Istanbul, ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay iskaashigan cilmiyeed ee dhexmaray labada jaamacadood. “Aqoonta iyo cilmi-baarista la wadaago waxay muhiim u tahay xal u helidda caqabadaha deegaanka, gaar ahaan sidii loo mideyn lahaa adeegsiga tamarta la cusboonaysiin karo,” ayuu yiri.

Intii uu socday shirkan, waxaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa hababka tamarta la cusboonaysiin karo iyada oo la adeegsanayo tiknoolojiyadda casriga ah, si loo yareeyo saameynta taban ee deegaanka loona horumariyo dhaqaalaha. Warbixinnada ka soo baxay shirka ayaa la filayaa inay horseedaan iskaashi ballaaran oo dhex mara hay’adaha cilmi-baarista, jaamacadaha iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay si loo hirgeliyo mashaariic waxtar leh oo tamarta dib loo cusboonaysiin karo laga faa’iidaysto.

Martigelinta shirkan ayaa ku soo aadaysa iyadoo Jabuuti ay dhamaadkii 2023 hirgelisay warshadda ugu horreysa ee tamarta dabaysha laga dhaliyo, taas oo laga sameeyay deegaanka Goubet. Warshaddan ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo waaxda tamarta la cusboonaysiin karo ee dalka, iyadoo Jabuuti ay dhowr jeer sheegtay inay doonayso inay noqoto hormuudka tamarta waarta ee gobolka Geeska Afrika, iyada oo yareynaysa qiiqa kaarboonka iyo kor u qaadaysa waxtarka isticmaalka tamarta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here