Saturday, March 15, 2025

Koronto 24 Saac ah iyo Waraabin Casri ah

Jiinka Wabiga Shabeelle ayaa laga hirgeliyay mashruuc horumarin ah oo lagu xoojinayo wax-soo-saarka beeraha, iyadoo Xafiiska Horumarinta Waraabka dowlad deegaanka Soomaaliya uu 700 oo qoys oo beeraley ah oo ku nool Shabeeley u suurtageliyay koronto 24 saac ah iyo waraabin casri ah oo koronto ku dhaqeyn doona.

Mashruucan ayaa ku wajahan yareynta kharashka shidaalka ee ay beeraleydu ku bixin jireen waraabka, iyadoo la rakibay 4 deynabooyin awood badan, kuwaas oo hal ilbiriqsi ku soo saari kara 165 litir oo biyo ah, laguna waraabinayo 800 hektar oo dhul beereed ah.

“Waxaan diiradda saarnay sidii aan uga faa’iideysan lahayn khayraadka dhulka iyo biyaha aan gacanta ku hayno, si aan u xoojino wax-soo-saarka. Shacabka halkan jooga, maadaama hadda aan ka maarmay shidaalka oo koronto aan ku xirnay, waxay nagu qaadatay waqti dheer in aan ka bixino korontadii hore. Transformarka hadda la rakibay waa 315 kB, halka kii hore uu ahaa 160 kB,” ayuu yiri Maxamed Faatax Maxamed, Wasiirka Xafiiska Horumarinta Waraabka DDS.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo wax-soo-saarka dalagyada ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, si kor loogu qaado isku filnaanta cuntada iyo koboca dhaqaalaha beeraleyda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here