Jigjiga, Itoobiya – Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa si rasmi ah u beenisay eedeymaha ay Jabhadda Xoreynta Qaranka Ogaden (ONLF) u jeedisay dowladda Itoobiya, iyagoo sheegay in eedeymahaasi aysan matalin mowqifka rasmiga ah ee ururka.
War-saxaafadeed rasmi ah oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda DDS, ayaa lagu sheegay in ONLF ay horay uga go’day halgankii hubeysnaa kadib heshiiskii nabadeed ee Asmara ee sanadkii 2018, kaas oo u oggolaaday inay si nabad ah ugu tartanto siyaasadda dalka iyagoo ka shaqeynaya doorashooyinka.
DDS ayaa xustay in ONLF ay si rasmi ah ugu diiwaangashan tahay Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Itoobiya (NEBE), islamarkaana ay lixdii sano ee la soo dhaafay la socotay xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka ka socda Deegaanka Soomaalida.
Balse war-saxaafadeedka DDS wuxuu si adag u beeniyay eedeymaha cusub ee ay ONLF dhawaan u dirtay dowladda Itoobiya, kuwaas oo lagu eedeeyay in xukuumadda Itoobiya ay jebisay heshiiskii nabadda ee 2018, islamarkaana ay si nidaamsan u cabburineyso codadka shacabka Soomaalida ee ku nool deegaanka.
Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa bayaanka ONLF ku tilmaantay mid aan sharciyad lahayn, iyagoo xusay in qoraalkaasi uusan ka tarjumeyn mowqifka rasmiga ah ee ururka, islamarkaana uusan helin ansixinta Guddiga Dhexe ama Guddoomiye ku-xigeenka ONLF, taas oo ka dhigan in si sharci ah uusan u shaqeynaynin.
DDS waxay xustay in ururka ONLF uu weli si buuxda uga go’an yahay ilaalinta Heshiiskii Nabadda ee Asmara, islamarkaana Guddiga Dhexe ee ONLF ay dhowaan qaban doonaan shirweyne guud si waafaqsan xeer-hoosaadka ururka iyo tilmaamaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya.
ONLF waxay horey u eedeysay dowladda Itoobiya, iyagoo ku dhaliilay inay hirgelisay tallaabooyin ka hor imaanaya dastuurka, islamarkaana ay jebisay heshiiskii nabadeed ee 2018. Bishii Oktoobar ee sanadkii hore, ururka ONLF wuxuu ku dhawaaqay inuu dib u dhigay shirweynihii Guddiga Dhexe, kaas oo lagu qorsheynayay in lagu qiimeeyo horumarka heshiiska nabadda.