Friday, March 14, 2025

Puntland oo Qabatay Ajaanib Lagu Tuhmay Daacish

Soohoyde

Uur-Caleed, Puntland– Taliska Ciribtirka Argagaxisada Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen saddex ajaanib ah oo lagu helay rasaas iyo astaamo muujinaya inay xiriir la leeyihiin kooxaha dagaalka ka wada deegaannada Puntland.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay taliska, raggan ayaa lagu qabtay dooxada ku teedsan Uur-Celeed, kaddib markii xogtooda ay ciidamada usoo gudbiyeen dadka deegaanka.

Ciidanka ammaanka ayaa sheegay in raggan la arkay iyagoo duruuf adag ka muuqato, jeebabkoodana laga helay rasaas iyo calaamado kale oo su’aalo dhalinaya.

Taliska Ciribtirka Argagaxisada Puntland ayaa xusay in baaritaan lagu sameyn doono saddexdan xubnood ee ajaanibta ah, si loo xaqiijiyo shakiga laga qabo ee la xiriira in ay ka tirsan yihiin kooxda Daacish.

Ciidanku waxay qabteen saddex ajaanib ah oo duruuf weyn ka muuqato, dooxada teedsan Uur-Caleed ee u rogan xagga laamiga, waxaana xogtooda soo gudbiyay dadka deegaanka. Baaritaan ayaa socda, waxaana jeebabkooda laga helay rasaas iyo astaamo kale,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska.

Howlgalka lagu qabtay raggaan ayaa kusoo beegmaya xilli Puntland ay waddo wejiga saddexaad ee dagaalka ka dhanka ah Daacish, kaasoo ka socda buuraleyda Cal-Miskaad.

Puntland ayaa hore u shaacisay inay guulo ka gaartay wejiyadii hore ee dagaalka, iyadoona sheegtay in ay la wareegtay dhul ay muddo dheer ku sugnaayeen kooxaha Daacish.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here