Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa gaaray magaalada Qaahira si uu uga qeyb galo shir deg-deg ah oo ay iclaamisay dowladda Masar. Shirkan ayaa lagu gorfeeynayaa sidii dalalka Carabta ay u dejin lahaayeen qorshe mideysan oo looga hortagayo barakicinta qowmiyadeed ee Falastiiniyiinta Gaza iyo dib-u-dhiska ka dib dagaalka.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu shirka ka jeediyo khudbad uu mar kale ku adkaynayo mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan qadiyadda Falastiiniyiinta. Soomaaliya, oo ah xubin aan joogto ahayn ka ah Qaramada Midoobay, waxay si joogto ah u taageertaa xuquuqda Falastiiniyiinta iyo madaxbannaanidooda.
Shirka, oo ay martigelisay Masar, waxa laga doonayaa in la helo mowqif mideysan oo Carbeed oo difaacaya xuquuqda Falastiiniyiinta, isla markaana xasillooni iyo horumar loogu soo celiyo Gaza. Ajandayaasha shirka waxaa ka mid ah: dib-u-soo kabashada, dhismaha kaabeyaasha muhiimka ah, iyo dejinta waddo siyaasadeed oo horseedi karta xal.
Shirkan deg-degga ah ayaa yimid ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu bishii 5-tii Febraayo soo jeediyay in Falastiiniyiinta Gaza loo raro Masar iyo Urdun. Dalalka Carabta ayaa si adag u diiday aragtidan, taasoo keentay in Masar ay soo bandhigto qorshe dhameystiran oo lagu dhisayo Gaza iyadoo la hubinayo in Falastiiniyiinta ay ku sugnaadaan dhulkooda.
Bishii Febraayo 21, Masar, Urdun, iyo lixda waddan ee Golaha Iskaashiga Khaliijka ayaa shir ku yeeshay Riyadh si ay u diyaariyaan ajandaha shirka Qaahira.