AshaElmi
Muqdisho, Soomaaliya: Shirkadda Hormuud Telecom ayaa shaacisay in adeegyada internet-ka ee Soomaaliya ay saameyn xoogan ku yeesheen cilad ka timid mid ka mid ah xargaha internet-ka ee badda hoosteeda mara , gaar ahaan aagga Badda Cas. Cilladan, oo si weyn u baahday, waxay sidoo kale saameysay dalal ay ka mid yihiin Kenya, Masar, iyo Pakistan, taasoo keentay hoos u dhac ku yimid xawaaraha internet-ka.
“Waxaa cillad soo wajahday mid ka mid ah xargaha xambaara internet-ka ee badda hoosteeda mara, gaar ahaan aagga Badda Cas. Arrintan waxay si baahsan u saameysay adeegyada internet-ka ee Soomaaliya, Kenya, Masar, iyo Pakistan, taasoo sababtay hoos u dhac weyn oo ku yimid xawaaraha internet-ka,” ayaa lagu sheegay qoral kooban oo ay shirkadda la wadaagtay isticmaalayaasheeda.
Ogeysiiskan shirkadda ayaa yimid iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay dad badan ka cabanayeen hoos u dhac xagga internet-ka ah, iyagoo baraha bulshada ku wadaagayay su’aalo ku saabsan cilladdan iyo waxa sababay.
Dadaallada Lagu Xallinayo Cilladda
Shirkadda Hormuud Telecom ayaa xaqiijisay in kooxdeeda farsamo, oo kaashanaya khubaro caalami ah, ay si degdeg ah uga shaqeynayaan sidii cilladdan loo xallin lahaa loona soo celin lahaa adeegyadii internet-ka sida ugu dhaqsaha badan.
“Kooxda farsamo, oo kaashanaya khubaro caalami ah, waxay si degdeg ah uga shaqeynayaan xalinta ciladdan si adeegga loo soo celiyo sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayeey raacisay shirkadda.
Xargaha badda hoosteeda mara waa habka ugu weyn ee lagu xambaaro xogaha internet-ka caalamka, iyadoo shirkadaha waaweyn sida Google, Microsoft, Amazon, iyo Meta ay si weyn u maalgelinayaan xargahani. Burburka xargahaasi wuxuu sababi karaa xannibaado ballaaran oo internet-ka ah, sida tii dhacday kadib dhulgariirkii Taiwan ee 2006, taasoo curyaamisay internet-ka caalamiga ah.
Sida laga soo xigtay CNN, burburka xargaha Badda Cas wuxuu yimid toddobaadyo kadib markii dowladda Yemen ay ka digtay suurtagalnimada in mucaaradka Xuutiyiintu ay bartilmaameedsan doonaan xargaha internet-ka ee badda hoosteeda mara.
Saamaynta Ciladda iyo Wakhtiga La Filayo in La Xaliyo
Ogeysiiska shirkadda Hormuud Telecom ayaa yimid iyadoo 4-ta Maarso 2025, la soo wariyay in xargaha Pakistan iyo East Africa Connecting Europe (PEACE) ee badda hoosteeda mara uu go’ay. Qeybta la gooyay waxay ku taallay Masar ilaa Singapore, gaar ahaan aagga Exclusive Economic Zone (EEZ) ee Suudaan.
Cilladani waxay keentay:
- Hoos u dhac weyn oo ku yimid xawaaraha internet-ka
- Tayada fiidiyooga oo liidata, taasoo saameysay adeegyada daawashada tooska ah
- Dhibaatooyin dhanka VPN-ka, taasoo curyaamisay isticmaalka adeegyada la xiro ama la furo goobaha internet-ka
Warbixinnada la helayo waxay tilmaamayaan in dib u hagaajinta ciladdan la filayo in lagu dhameeyo bartamaha Abriil 2025.