Jabuuti, Jabuuti (Somalia News)
Ciidanka booliska Jabuuti ayaa howlgal ay ka fuliyeen xaafadda Hodan ee degmada Balbala kusoo qabtay waxyaabo sharci-darro ah oo si qarsoodi ah dalka loo soo geliyay.
Howlgalkan, oo qeyb ka ah dadaallada booliska ee lagu xakameynayo ganacsiga sharci-darrada ah, ayaa lagu soo qabtay maandooriyayaal ay ka mid yihiin xashiish, khamri, iyo sigaar tiro badan, kuwaas oo lagu waday in si dhuumaaleysi ah loo suuq geeyo.
Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in baaritaanno lagu hayo dadka loo qabtay falkaan si sharciga loo horgeeyo.
Tani ma aha markii ugu horreysay ee boolisku gacanta kusoo dhigaan badeecooyin sharci-darro ah. Bishii hore, ciidamada ammaanka ayaa fashiliyay shabakad kale oo isku dayeysay in ay dalka soo geliso maandooriyayaal iyo waxyaabo kontaraban ah, taasoo muujineysa dadaalka ay dowladdu ku bixinayso xakameynta falalka noocaan ah.
Waxaa la filayaa in eedeysanayaasha la horkeeno maxkamad, halka baaritaannada kale ay weli socdaan si loo ogaado shabakadaha ka dambeeya ganacsigan sharci-darrada ah.