Saturday, March 15, 2025

Maxaa Sababay Xil-waayidda Xildhibaan Abiib?

Muqdisho, Soomaaliya – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ku dhawaaqay in Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib uu lumiyay xubinimadiisii Golaha Shacabka, kadib markii uu muddo dheer maqnaa kalfadhiyada Baarlamaanka.

Xafiiska Guddoomiyaha ayaa faray hay’adaha ay quseyso in ay bilaabaan habraaca buuxinta kursiga bannaan, sida ku cad warqadda rasmiga ah ee ka soo baxday xafiiskiisa.

Maxaa Sababay Xil-waayidda Xildhibaan Abiib?

Warqadda ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in Xildhibaan Abiib uu ka maqnaa laba kalfadhi oo xiriir ah, iyadoo uusan soo gudbin cudurdaar rasmi ah. Sidaas darteed, arrintani waxay jabineysaa Dastuurka KMG ah iyo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, sida uu Guddoonku xusay.

Warqadda waxaa lagu caddeeyay in Xildhibaan Abiib uu kasoo xaadiray kaliya shan kulan oo ka mid ah 141 kulan oo ay yeesheen Golaha Shacabka tan iyo markii la doortay.

“Sida ku cad qaraarka, iyo si waafaqsan Dastuurka KMG ah iyo xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, Dr. Cabdullaahi Xaashi Abiib wuxuu lumiyay xubinimadiisii Baarlamaanka, maadaama uusan keenin cudurdaar rasmi ah oo sharciyeysan, ayaa lagu yiri qoraalka rasmiga ah.

Xiisad Siyaasadeed oo Ka Dhalatay Go’aanka

Go’aanka uu Guddoonku ku shaaciyay xil-ka-qaadista Xildhibaan Abiib ayaa abuuray muran siyaasadeed, iyadoo xildhibaano iyo dowlad-goboleedyo qaarkood ay si adag uga horyimaadeen tallaabada.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa shir jaraa’id ku sheegay in go’aanka lagu beegsaday mowqifkiisa mucaaradnimo, iyagoo Guddoomiyaha ku eedeeyay in uu baarlamaanka u adeegsanayo dano siyaasadeed.

“Waxaan uga digeynaa Guddoomiyaha Baarlamaanka in uu xilka ka qaado Xildhibaan Abiib. Waa xildhibaan si joogto ah u kashifay musuqmaasuqa dowladdu ku lug leedahay, gaar ahaan arrimaha badda. Haddii arrintan la sii wado, waxay horseedi kartaa cawaaqib xumo siyaasadeed,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen xildhibaano ka hor yimid go’aanka.

Miyuu Dhaqan-geli Doonaa Xil-ka-qaadista Abiib?

Xildhibaan Abiib, oo laga soo doortay gobolka Awdal, ayaa si weyn loogu yaqaannay in uu si joogto ah uga hadlo musuqmaasuqa dowladda iyo hoggaanka Baarlamaanka, taasoo sababtay shaki ah in xil-ka-qaadistiisa loo adeegsaday sidii loo aamusiin lahaa codadka mucaaradka.

Arrintan waxaa lala barbar dhigaya kiiskii hore ee Xildhibaan Saalax Jaamac, oo sidoo kale lagu eedeeyay maqnaansho badan, taasoo keentay in si ku-meel-gaar ah looga joojiyo xasaanaddiisa xildhibaanimo. Si kastaba ha ahaatee, arrintiisa ayaa markii dambe lagu xaliyay wada-hadallo uu Aqalka Sare ku dhex-dhexaadiyay.

Iyadoo xiisadda siyaasadeed ee arrintan ay cirka isku shareertay, wali lama oga in go’aanka xil-ka-qaadista Xildhibaan Abiib uu dhaqan geli doono, maadaama mucaaradad xoogan ay ka timid xildhibaano iyo dowlad-goboleedyo qaarkood.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here