Tuesday, March 18, 2025

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Shalay(17-March-2025), waxaa si rasmi ah Soomaaliya  looga daahfuray dhaqangelka Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025 – 2029. Munaasabadda daahfurka qorshahan waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda, ganacsato, wakiillo ka socday maamul-goboleedyada, bulshada rayidka ah iyo saaxiibada caalamka.

Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa Isniintii ku dhawaaqay isku shaandheyn ballaaran oo lagu sameeyay Golaha Wasiirrada, iyada oo isbeddello waaweyn lagu sameeyay qaar ka mid ah xilalka muhiimka ah.

Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Urur Goboleedka IGAD uusan wax faa’iido ah u lahayn Soomaaliya, marka laga reebo dhibaatooyin la xiriira qoryo, qaraxyo iyo fawdo.

Hargeysa

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa soo saartay wareegto rasmi ah oo mamnuucaysa in isbitaallada gaarka loo leeyahay ay lacag ka qaadaan askarta ku soo dhaawacanta difaaca qaranka marka ay adeeg caafimaad helayaan.

Diridhabe

Magaalada Diridhabe waxaa si rasmi ah uga socda isku dayga lagu dhisayo Xarunta Ururka Daryeelka Kutubta Duugowday, oo lagu xannaaneyn doono kutubta duugowday si loo xafido dhaxalka aqooneed ee bulshada.

Jabuuti

Taliyaha Ilaalada Xeebaha Jabuuti, Wais Omar Bogoreh, ayaa magaalada Doraleh ku soo dhoweeyay wafdi uu hoggaaminayay Madaxa Hawlgalka EUCAP Soomaaliya. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga badda iyo wada-shaqeynta labada dhinac.

Qaza

Wadahadallada ku saabsan xabbad-joojinta Gaza iyo sii-deynta la haystayaasha ayaa weli hakad ku jira, inkastoo Xamaas ay aqbashay soo jeedinta dhexdhexaadiyeyaasha ee ku aaddan sii-deynta askari Israa’iili ah oo haysta dhalashada Maraykanka.

Yaman

Maraykanka ayaa Axaddii duqeymo culus ka geystay goobo rayid ah oo ku yaalla Yemen, halkaas oo ay ku dhinteen 31 qof, halka 101 kale ay ku dhaawacmeen. Xuuthiyiinta ayaa sheegay inay si aargoosi ah u weerareen markabka Maraykanka ee USS Harry S. Truman, iyagoo isticmaalay gantaallo ballistic iyo diyaarado drone ah.

Suudaan

Ciidamada dowladda Suudaan ayaa sheegay inay la wareegeen goobo istiraatiiji ah oo ku yaalla bartamaha Khartoum, kuwaas oo ay horey u maamulayeen ciidamada RSF. Goobaha la qabsaday waxaa kamid ah xarunta ganacsiga Nile Towers iyo buundada Al-Mansheiya.

Belgium

Midowga Yurub ayaa maanta martigelinaya shirkii caalamiga ahaa ee 9-aad ee taageerada Suuriya, kaasoo diiradda lagu saarayo marxaladda kala-guurka ee dalkaas kadib xukunkii Bashar al-Assad. Shirkan ayaa markii ugu horreysay waxaa ka qeyb geli doona wakiillo ka socda maamulka cusub ee Suuriya.

New York

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka doodi doona howlgalka QM ee Afghanistan, waxaana galabtii la yeelan doonaa wadahadallo la xiriira heshiiskii 2006 ee joojinta dagaalka u dhexeeya Xisbullah iyo Israa’iil.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here