Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa shaaca ka qaaday in ay duqeyn cirka ah ka fuliyeen deegaan ku yaal qiyaastii 150km waqooyi-bari ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay heleen codsi ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS).
War-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in howlgalka uu dhacay 15-kii Maarso 2025, isla markaana duqeynta lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo halkaasi ku sugnaa. Qiimeynta horudhaca ah ee AFRICOM ayaa tilmaamaysa in dagaalyahano ka tirsan kooxda lagu dilay weerarka, inkasta oo aan weli la xaqiijin in waxyeello soo gaartay dad rayid ah.
“Qiimeynta horudhaca ah ee AFRICOM ayaa muujineysa in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay weerarkan, iyadoo aan la xaqiijin waxyeelo soo gaartay dad rayid ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Taliska Mareykanka ayaa sidoo kale xusay in dadaallada Al-Shabaab ay khatar ku yihiin amniga Mareykanka iyo danaha istiraatiijiga ah ee gobolka, taasoo keentay in AFRICOM iyo DFS ay sii xoojiyaan iskaashiga lagula dagaallamayo al shabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa saddex maalmood ka hor shaacisay in Ciidamada Xoogga Dalka ay howlgal ka fuliyeen deegaanka Laba Garas ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Sida ay sheegtay Dowladda, weerarkaasi waxaa lagu dilay tiro badan oo ka tirsan kooxda, iyadoo la burburiyay saldhigyo .
DFS iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa xusay in ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab , iyagoo dadaal ugu jira sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya