Thursday, March 20, 2025

Guddiga Doorashooyinka oo Soo Bandhigay Qalabka Codeynta

Muqdisho, Soomaaliya – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) ayaa 18 March 2025 si rasmi ah u shaaciyay in uu dhammeystiray diyaar garowga doorashooyinka golayaasha deegaanka, oo la qorsheeyay in ay dhacaan 30-ka Juun, 2025.

Intii lagu jiray shir jaraa’id oo uu qabtay Guddoomiyaha GMDQ, Cabdikariim Axmed Xasan, guddigu wuxuu si rasmi ah ula wareegay dhammaan qalabkii loogu talagalay diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo habka codbixinta maalinta doorashada.

“Maanta waxaa noo yimid oo aan la wareegnay dhammaan qalabkii doorashada, oo isugu jira qalabka diiwaangelinta dadweynaha iyo codbixiyeyaasha maalinta doorashada,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdikariim.

Guddigu wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in doorashooyinka golayaasha deegaanka ay dhici doonaan 30-ka Juun, 2025, halka diiwaangelinta codbixiyeyaasha la bilaabi doono bisha Abriil ee soo socota.

“Waxaan bilaabi doonnaa qabashada doorashooyinka golaha deegaanka ee inta badan deegaanada dalka 30-ka Juun. Sidoo kale, diiwaangelinta codbixiyeyaasha waxay bilaaban doontaa bisha soo socota,” ayuu raaciyay guddoomiyuhu.

Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadeed iyo Mucaaradka Doorashada

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo diiwaangelinta ururrada siyaasadeed ay si rasmi ah u socoto, balse illaa iyo hadda hal urur oo kaliya ayaa si rasmi ah shahaado uga helay guddiga.

Diiwaangelinta ururrada siyaasadeed ayaa furneyd tan iyo 20-kii Janaayo, waxaana la filayaa in la soo gabagabeeyo 31-ka Maarso. Ilaa hadda, Ururka Midowga Soomaaliyeed ayaa noqday kii ugu horreeyay ee si rasmi ah u diiwaangeliyey tan iyo markii la furay diiwaangelinta.

Si kastaba ha ahaatee, hannaanka ay guddiga doorashooyinku u wadaan howsha doorashada ayaa la kulmay mucaaradad xooggan, gaar ahaan maamulada Puntland iyo Jubaland, iyo sidoo kale mucaaradka dowladda, kuwaas oo su’aalo ka keenay hufnaanta hannaanka doorashooyinka deegaanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here