Muqdisho, Soomaaliya – Maarso 2025 – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa tacsiyad u diray qoyska, ehelka, ciidamada qalabka sida, iyo shacabka Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid Gaashanle Sare Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey), Taliyaha Guutada 14-Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaasoo lagu toogtay magaalada Afgoye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
“Waxaan halkaan uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Taliyaha Guutada 14-Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Nuur Farey, oo ahaa geesi Qaran oo karti, daacadnimo, aqoon, iyo hoggaan ciidan oo si hagar la’aan ah ugu adeegay dalkiisa iyo dadkiisa,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Taliyaha Guutada 14-Oktoobar, Nuur Farey, ayaa la toogtay Sabtidii, isagoo ku sugnaa Afgoye, halkaas oo uu u hadlayay ciidankiisa. Bulle Ali, oo ah sarkaal amni, ayaa sheegay in weeraryahanka uu u muuqday inuu yahay infiltrator ka tirsan Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in ciidanka uu soo qabtay weeraryahanka, waxaana baaritaan la sameynayaa.
Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale codsaday in baaritaan degdeg ah oo daahfuran lagu sameeyo falkaasi si cadaaladda loo horkeeno kuwa ka dambeeyay.