Monday, April 7, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Hoobiyayaal ayaa lagu tuuray agagaarka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo saldhigga Hawlgalka Taageerada iyo Xasilloonida Midowga Afrika ee AUSSOM ee Xalane subaxnimadii hore ee maanta. Weerarku wuxuu dhacay aroornimadii saakay, qiyaastii 6:00 subaxnimo, iyadoo dhowr hoobiya lagu dhuftay goobaha ku dhow Safaaradda Talyaaniga.

Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa tacsiyad u diray qoyska, ehelka, ciidamada qalabka sida, iyo shacabka Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid Gaashanle Sare Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey), Taliyaha Guutada 14-Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaasoo lagu toogtay magaalada Afgoye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Jabuuti

Dugsigan cusub ee laga hirgelinayo Nagad ayaa loogu talagalay in uu bixiyo adeeg waxbarasho tayo leh, iyadoo si gaar ah loogu baahan yahay jaaliyadda Itoobiya ee ku nool Jabuuti, gaar ahaan carruurtooda u baahan fursado waxbarasho oo la jaan qaadaya duruufahooda.

Muqdisho

Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo taariikhi ah oo ku wajahan horumarinta tiknoolajiyadda maaliyadeed, iyadoo si rasmi ah u daahfurtay nidaamkeedii ugu horreeyay ee Lacag-Degdeg ah (Instant Payment System) ee heer qaran. Hindisahan waxaa horkacaya Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), waxaana farsamo ahaan hirgelinaya madasha SmartVista oo ay leedahay shirkadda caalamiga ah ee BPC.

Soomaaliya

Shirkadda la-talinta difaaceed ee Turkiga ee SADAT, oo si weyn looga yaqaan gudaha Turkiga iyo meelo kale, ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar u tahay inay siiso Ciidanka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Gaarka ah ee Soomaaliya, tababaro sare iyo adeegyo la-talin istiraatijiyadeed.

Jigjiga

Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka ee Dawlad-Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa si rasmi ah u daahfuray adeeg cusub oo gaadiidka dadweynaha ah, kaas oo si buuxda uga hawlgalaya caasimadda DDS, ee Jigjiga. Munaasabadda daahfurka waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiinta xafiiska, Duqa Magaalada Jigjiga, saraakiisha ciidanka taraafikada, masuuliyiinta shirkadaha iyo iskaashatooyinka gaadiidka, iyo wadayaasha baabuurta.

Kampala

Waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyay in shir muhiim ah oo ay isugu imaan doonaan hoggaamiyeyaasha waddamada ciidamadoodu ka qaybqaataan Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) uu ka qabsoomi doono magaalada Kampala, Uganda, 25-ka Abriil 2025.

Yemen

Raadiyaha Ciidanka Israa’iil ayaa Sabtidi sheegay in labo gantaal oo ballistic ah la soo riday xaga Yemen xalay iyo subaxnimadii Sabtida, isagoo sheegay in labada gantaal ay ku dhacayeen meel ka fog xuduudaha Israa’iil iyadoon wax khasaare ah ka dhalan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here