Tuesday, April 8, 2025
Array

Janaraal Sheegow oo Geeriyooday Kadib Maalmo uu Isbitaalka yaalay.

Janaraal Sheegow Axmed Cali, oo ka tirsanaa saraakiishii ciidamada milatariga Soomaaliya, ayaa geeriyooday kadib maalmo uu ku jiray isbitaal, isaga oo xabsi ku jiray ka hor isbitaalka. Geeridiisa ayaa dhalisay baaqyo xooggan oo ku saabsan in si degdeg ah baaritaan madax-bannaan loo sameeyo duruufihii uu ku geeriyooday.

Janaraalka ayaa la xiray 19-kii Agoosto 2023, kadib markii uu dagaal socday saacado dhex maray ciidamo taabacsanaa isaga iyo kuwa dowladda Soomaaliya. Dagaalkaas kadib, waxaa la xiray waxaana xabsiga la digay asaga oo qeyb ciidamadi taabacsanaa.

Eheladiisa ayaa xaqiijiyay in Janaraalka uu u geeriyooday xanuuno la xiriira cudurrada ku dhaca uur-ku-jirta, sida ay cadeeyeen dhaqaatiirta la socotay xaaladiisa. Qaar ka mid ah ehelkiisa ayaa u sheegay warbaahinta Dawan in dhowr jeer ay codsadeen in loo oggolaado daryeel caafimaad oo dheeraad ah, balse ay kala kulmeen masuuliyiinta dowladda caga-jiid iyo gaabis.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa tacsi u diray qoyska Janaraalka, isaga oo ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in baaritaan degdeg ah oo lagu sameeyo sababaha geerida Janaraalka.

Sidoo kale, madaxweynihii hore ee dowladdii ku meelgaarka ahayd Shariif Sheekh Axmed ayaa xusay doorkii weynaa ee Janaraalka uu ka qaatay dagaalkii Al-Shabaab looga saaray qeybo badan oo ka mid ah gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here