Saturday, April 19, 2025

Maxay Somaliland iyo Britain Kawada Hadleen?

Soohoyde

Somaliland iyo Ingiriiska ayaa kulan ay yeesheen uga wada hadlay xoojinta xiriirkooda iyo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha.

Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Maxamed Cabdulaahi Ciro ayaa Madaxtooyada Somaliland kulan kula yeeshay masuuliyiinta Xafiiska Boqortooyada Ingiriiska ee Magaalada Hargeysa.

Ciro, masuuliyiinta uu kulanka la yeeshay ayaa kala ahaa: Ilyaas Malek oo kasii dagaya xilka Madax Xafiiska Boqortooyada Ingiriiska ee magaalada Hargeysa iyo madaxa cusub ee xafiiskaas loo soo magacaabay ee Louise Hancock.

Ujeedada kulanka ayaa ahayd, sida lagu sheegay war kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland, xoojinta xiriirka u dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska,

  • Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Maalgashiga
  • Amniga iyo Xasiloonida Gobolka
  • Isweydaarsiga Aqoonta sare iyo Waxbarashada
  • Taageerada Dawladnimada iyo Horumarinta Bulshada

Masuuliyiintii Boqortooyada Ingiriiska ka socday ayaa dhinacooda Somaliland ku bogaadiyay dadaallada nabadeed oo ay wado, gaar ahaan xukuumadda cusub ee Ciro uu hogaamiyo.

Kulanka waxaa sidoo kale inta uu socday lagu soo hadal qaaday fursadaha maalgashi ee Somaliland, tamarta la cusbooneysiin karo iyo tiknoolajiyada. Iyadoo kulankan uu noqday kulankii ugu horeeyay ee dhaxmara Madaxweyne Ciro iyo madaxa cusub ee Xafiiska Boqortooyada Ingiriiska ee Somaliland.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here