Saturday, April 19, 2025

Jabuuti oo martigelisay shir muhiim u ah Afrika.

Djibouti- Jabuuti waxaa ka qabsoomay shirweyne looga hadlayay horumarinta maalgashiga iyo kobcinta ganacsiga,Sanduuqa Madaxa Bannaan ee Jabuuti ayaa soo qaban-qaabiyay wajiga labaad ee Shirka horumarinta maalgashiga Jamhuuriyadda Jabuuti.


Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, iyo masuuliyiin ka kala socday xukuumadda, baarlamaanka, iyo hay’ado caalami ah ayaa kasoo qayb galay shirkaan ka qabsoomay Jabuuti.
Ajandayaasha shirkaan looga hadlayay ayaa ahaa horumarinta fursadaha maalgashi, xoojinta iskaashiga hay’adaha dowladda, iyo dardargelinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Masuuliyiintii kasoo qayb galay ayaa kawada hadlay sidii looga gudbi lahaa caqabadaha la xiriira kobcinta dhaqaalaha iyo maalgashiga Geeska Afrika.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jabuuti, oo shirka ka hadlay, ayaa hoosta ka xariiqay in shirarka noocaan oo kale ah ay kordhinayaan aaminaadda awooda ganacsi ee Jabuuti iyo horumarka ay ku tallaabsaneyso.

Agaasimaha guud ee Sanduuqa Madaxa Bannaan ee Jabuuti ayaa sheegay in sanduuqa uu go’aan ku gaaray in madashaan ay noqoto madal lagu wadaago caqabadaha horyaalo, aqoonyahannaduna ay isweydaarsadaan khibradooda.

Geesta kale, ganacsatadii kasoo qayb galay shirka ayaa sheegay in muhiimad gaar ah uu u leeyahay dhalinyarada ganacsatada ah shirarka noocaan oo kale ah.
Bandhigaan ayaa inta uu socday, Sanduuqa Madaxa Bannaan ee Jabuuti waxa uu qorsheeyay kulamo kale oo talo-wadaag ah, kuwaas oo looga hadlayo fursadaha dhaqaalaha Geeska Afrika.

Bandhigaan ayaa kusoo aadaya iyadoo telefishinka dowladda Jabuuti uu sheegay in dowladda Jabuuti ay qaaday tallaabooyin muhiim u ah dhinaca dhaqaalaha ee dalka iyo dardargelinta maalgashiga shisheeye.

waxaa xusid mudan in shalay jabuuti ay martigelisay kulan hordhac ah oo gogol-xaar u ahaa shirkaan ballaaran ee la magac baxay Djibouti Forum 2025 kaas oo soconaya intii u dhaxeysa 6 ilaa 8 Abriil 2025.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here