Djibouti – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa shalay oo Arbaco ah ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada madaxweyne ku xigeenka Baarlamaanka Ruushka, Viktoria Abramchenko, oo booqasho rasmi ah ku timid dalka Jabuuti. Booqashadan, oo ku saabsan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga horumarka ee labada waddan, ayaa ahayd mid si weyn diiradda loogu saaray xiriir dhow oo dhexmara labada dal.
Sida uu sheegay Madaxtooyada Jabuuti, booqashada waxay ahayd mid diiradda saaraysa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, kaabeyaasha, waxbarashada sare, tababarka xirfadaha, iyo adeegyada dekedaha. Victoria Abramchenko ayaa kulanka kadib sheegtay in Jabuuti ay leedahay goob juqraafi ah oo istiraatiiji ah, taasoo ka dhigaysa waddan muhiim ah oo Ruushku ka faa’iidaysan karo si uu u gaaro suuqyada gobolka Geeska Afrika.
“Jabuuti waxay leedahay goob juqraafi ah oo istiraatiiji ah, taasoo ka dhigeysa waddan muhiim ah oo Ruushku ka faa’iidaysan karo si uu u gaaro suuqyada gobolka Geeska Afrika,” ayay tiri Abramchenko. Waxa kale oo ay intaas ku dartay in Jabuuti ay tahay “albaab istiraatiiji ah” oo muhiim u ah Ruushka si uu u balaariyo ganacsigiisa gobolka.
Kulankan wuxuu muujiyey daneyn xooggan oo ku aaddan samaynta iskaashi istiraatiiji ah oo waqti dheer ah, iyadoo Ruushku caddeeyey in dowladda Ruushka ay diyaar u tahay inay taageerto maal-gashadayaasha gaar ah ee Ruushka ah ee xiiseynaya inay maalgashi ka sameeyaan Jabuuti.
Kulanka waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin sare oo ka kala socday labada dal. Dhinaca Jabuuti waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti, Dileita Maxamed Dileita, xubno ka tirsan xafiiska baarlamaanka iyo safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Ruushka, Maxamed Cali Kaamil. Dhinaca Ruushka waxaa kulanka ka qeyb galay Ku-xigeenka Guddiga Baarlamaanka ee dhismaha dowladnimada iyo sharci dejinta, Evegueniy Bessonov, iyo Safiirka Ruushka ee Jabuuti, Mikhail Golovanov.
Dileita ayaa mar kale ku celiyey sida Baarlamaanka Jabuuti uga go’an yahay in la xoojiyo xiriirka labada dal iyo labada shacab, isagoo ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay wada shaqayn dhow. Booqashadan waxay sidoo kale muujineysaa xiisaha sii kordhaya ee dowladda Ruushka ay u qabto xiriirka dhow ee ay la leedahay waddamada Afrika, iyadoo Jabuuti ay tahay mid ka mid ah wadamada istiraatiijiga ah ee gobolka.