Laascaanood – April 10, 2025
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu wadaa inuu safar labo maalmood ah ku tago magaalada Laascaanood, safar loo arko mid saameyn ballaaran ku leh isbeddelka siyaasadeed ee gobollada waqooyi. Socdaalku waxa uu xoojinayaa xiriirka u dhexeeya maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxaa jira 7 arrimood oo muhiim ah oo ay tahay inaad ka ogaato safarka Ra’iisul Wasaaraha:
- Booqasho Laba Maalmood ah:
Ra’iisul Wasaaraha wuxuu Laascaanood tagi doonaa maalinta Jimcaha, wuxuuna dib ugu laaban doonaa Muqdisho Sabtida. - Wafdiga Wasiirrada:
Wuxuu la socon doonaa ku dhawaad 10 wasiir, balse midna kama soo jeedo gobollada Somaliland. - Is-dhaafsiga Maxaabiista:
Waxaa lagu dhawaaqi doonaa is-dhaafsi maxaabiis ah oo u dhexeeya SSC-Khaatumo iyo Somaliland. Waxaa Laascaanood ku xiran 283 maxbuus oo Somaliland ah, halka Hargeysa ay hayso 67 maxbuus oo SSC ah. - Dhismaha Maamul Goboleed:
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu maamulka SSC Khaatumo fari doonaa in ay dardar geliyaan hawsha dhismaha maamul goboleed rasmi ah oo hoos yimaada Dowladda Federaalka. - Kulamo Odayaal Deegaanka ah:
Waxaa la qaban doonaa kulan ay ka soo qaybgalayaan odayaasha Baran, Dahar, iyo Laas Qoray, si looga wada hadlo awood-qaybsiga SSC-Khaatumo iyo is-afgarad siyaasadeed. - Mashruucyo Horumarineed:
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu dhagax dhigi doonaa ugu yaraan 10 mashruuc oo horumarineed oo muhiim u ah gobolka. - Furitaanka Xarunta NIRA:
Waxaa si rasmi ah loo furi doonaa xafiiska Hay’adda Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ee Laascaanood, halkaas oo dadweynuhu ku qaadan doonaan kaararka aqoonsiga qaranka. Guddoomiyaha hay’adda ayaa horay u tagay magaalada oo hadda ku sugan.
Safarkan ayaa si weyn isha loogu hayaa, iyadoo ay shacabka iyo falanqeeyeyaashu isweydiinayaan: waxaana la isweydiinayaa cidda ku khasaaraysa tan ku faa’idaysa.