Saturday, April 19, 2025

Madaxweynaha Soomaaliya oo Casuumaad U Diray Madaxda Dowlad Goboleedyada

Muqdisho, Soomaaliya — Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumaad isku imaansho u diray madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabelle, iyo Koonfur Galbeed si ay uga arrinsadaan “Gogosha Wadahadal” ee uu dhawaan ku dhawaaqay.

Shirka lagu baaqay, oo uu ka qeybgalin doonin madaxweynaha Jubbaland, ayaa la sheegay in uu ka dhacayo magaalada Muqdisho taariikhda 1da iyo 2da May. Shirka ayaa loo qorsheeyay in uu noqdo mid lagu xallinayo arrimo siyaasadeed oo muhiim u ah dowladda iyo dowlad goboleedyada.

Madaxtooyada Soomaaliya oo dhankeeda noo xaqiijisaay casuumaadda ayaa sheegtay in kulanku uusan ahayn kii NCC, oo uu yahay mid looga arrinsanayo ajandaha iyo habraaca shirka uu madaxweynaha ku dhawaaqay

Madaxtooyada Puntland oo aan la hadalnay ayaa sidoo kale noo xaqiijisay in casuumaaddu soo gaartay, balse ay sheegeen in aysan ahayn tii laga filayay Villa Somalia. Waxaa sidoo kale sheegeen Puntland  in ay ka fiirsanayaan ka qeybgalka kulankaas uu madaxweyne Xasan shiikh ku baaqay.

Shirkan ayaa  ah mid lagu xoojinayo wada-hadalka iyo iskaashiga u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, waxa ayna dad badani u arkaan  inuu noqon karo  fursad lagu xallin karo khilaafaadka siyaasadeed ee jiray.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here