Hargeysa – Somaliland ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya si buuxda mas’uul uga noqon doonto wixii xasillooni darro ah ee ka dhasha booqashada uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ku tagayo magaalada Laascaanood.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland ayaa lagu tilmaamay booqashada Ra’iisul Wasaaraha “mid sii hurinaysa xiisadda gobolka,” iyadoo lagu sheegay inay wiiqayso dadaallada nabadda iyo wada-hadallada.
Somaliland waxay ku adkaysatay in booqashadan ay abuuri karto xaalado amni darro iyo kororka khataraha bani’aadantinimo, sida barakaca iyo qaxootinimada. War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale sheegay in ficilkaas uu fursad siin karo kooxo aan dawli ahayn oo ka faa’iideysan kara xaaladda murugsan.
“Haddii aan laga hortagin, falkaasi wuxuu suurtogal ka dhigi doonaa in ay soo baxaan kooxo hubeysan oo khatar ku ah xasilloonida gobolka, taasoo horseedi karta musiibooyin bini’aadantinimo iyo khataro amni oo baahsan,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Somaliland waxay si cad u sheegtay in Dowladda Soomaaliya “ay si buuxda u qaadi doonto mas’uuliyadda wixii xasillooni darro ah ee ka dhasha booqashada Ra’iisul Wasaaraha.”
“Soomalialnd waxa ay si adag u cadeynaysaa in Dawladda Soomaaliya ay si buuda u gaadi doonto mas’uuliyadda dhibaatooyinka ka dhasha booqashadaas”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Somaliland ayaa sidoo kale ugu baaqday Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta iyo beesha caalamka, in ay si dhow ula socdaan tallaabooyinka dowladda Soomaaliya, iyadoo ku tilmaantay mid “khatar gelin kara xasilloonida gobolka Geeska Afrika.”
Baaqan Somaliland wuxuu kusoo beegmayaa xilli Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu la filayo in uu berri gaaro magaalada Laascaanood, halkaasoo ay horay u tageen xubno wasiiro iyo madax kale oo ka tirsan dowladda Federaalka.