Muqdisho, Soomaaliya – Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa muddo toddobo ilaa sagaal bilood ah si joogto ah u soo direysyey shaqaalahooda iyaga oo aan wax mushaar ah la siin, taasoo walaac weyn ka dhalisay kartida hawlgalka ee dhinaca fulinta waajibaadkiisa.
Sivuyile Bam, Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Madaxa AUSSOM, oo 9 April ka hadlayay fadhiga Golaha Ammaanka ee ka dhacay magaalada New York, ayaa ka digay in hawlgalka uu wajahayo xaalad dhaqaale oo aad u daran.
“Mandate-ka AUSSOM ayaa halis ku jira. Xaaladda dhaqaale ee AUSSOM waa mid aad u liidata, taas oo khatar ku ah jiritaanka hawlgalka,” ayuu yiri Bam.
Sida uu sheegay Bam, AUSSOM waxay sii wadday hawlgaladeeda iyada oo aan haysan hannaan dhaqaale oo joogto ah.
“Saameynta ay leedahay maalgelin la’aanta joogtada ah iyo kalsooni darrada dhaqaale waa mid dhab ah, iyadoo AUSSOM ay ku qasbanaatay inay sii dirto shaqaale aan wax mushaar ah helin muddo 7 ilaa 9 bilood ah,” ayuu raaciyay.
Caqabaddan dhaqaale ayaa sidoo kale sababtay in si weyn loo dhimo tirada shaqaalaha rayidka iyo kuwa ciidan ee ka howlgala xarumaha dhexe ee AUSSOM.
Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa wadaan dadaallo lagu raadinayo maalgelin, waxaana dhawaan magaalada Muqdisho lagu dhameystiray qorshaha awood-dhisidda iyo dirista shaqaalaha AUSSOM.
“Inkasta oo dadaallo laga wado sidii loo heli lahaa maalgelin joogto ah, haddana waxa farxad leh in la xaqiijiyo in Guddigu dhammeystiray qorshaha AUSSOM ee dhismaha awoodda iyo dirista,” ayuu yiri Bam.
Ugu dambeyn, wuxuu ugu baaqay Golaha Ammaanka in ay sii wadaan taageeradooda islamarkaana ay garab istaagaan AUSSOM xilligan adag.