Sunday, April 13, 2025

Jabuuti oo qaaday tallaabo ka dhan ah cudurka Dabaysha

Wasaaradda Caafimaadka jabuuti  ayaa si rasmi ah u shaacisay bilowga marxaladda koowaad ee ololaha talaalka dabaysha ee Jabuuti, kaas oo  socon doona laga bilaabo 12 ilaa 16 Abriil 2025, guud ahaan dalka.

Talaalkaan waxaa loogu talagalay in uu gaaro caruur kasta oo ka yar shanta sano, iyadoo laga fulinayo xarumaha caafimaadka, iskuullada, guryaha, iyo meelaha kale ee ay dadweynuhu isugu yimaadaan, kuwaas oo ku kala yaal magaalooyinka iyo deegaanada miyiga.

Wasiirka Caafimaadka Jabuuti, Dr. Axmed Roble Aadan, oo Shir Jaraaid qabtay ayaa adkeeyay muhiimadda wadajirka loo muujiyo la-dagaallanka dabaysha, isagoo xusay in talaalku uu yahay habka ugu waxtarka badan uguna ammaan badan ee looga hortagi karo faafidda fayraska.

 “Caafimaadka caruurteena waa mas’uuliyad wadajir ah oo ah mudnaanta koowaad,” ayuu yiri Dr. Aadan. “Waa inaan hadda qaadno tallaabooyin si aan u difaacno mustaqbalka.”

Inkastoo Jabuuti aysan kiisas   polio ah soo sheegin,  balse faafitaannada dhowaan ka dhacay dalalka deriska ah ayaa sababay in la qaado tallaabooyin ka hortag ah.

Ma qaadan karno inaan sugnno. Arrintu waxay khuseysaa ilaalinta caafimaadka caruurteena iyo mustaqbalka qarankeena,” ayuu yiri wasiirku.

Ololaha talaalka ayaa taageero ka helaya xubno muhiim ah oo caalami ah, oo ay ku jiraan Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo UNICEF, waxaana uu qeyb ka yahay istaraatiijiyadda caafimaadka ee Jabuuti .

Ololaha ayaa sidoo kale ku baaqaya in la helo dhaq-dhaqaaq qaran, isagoo ugu baaqaya waalidiinta, macallimiinta, iyo hoggaamiyeyaasha bulshada inay ka qayb qaataan dadaalkaas iyo inay hubiyaan in dhamana caruurta ay wada qaataan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here