Hargeysa, 15 Abriil 2025 – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta ka qayb galay xaflad lagu xusay Maalinta Dhir-Beerista Somaliland, isla markaana lagu daah-furay Mashruuca Beerista 3 Milyan oo Geed, oo ka mid ah mashaariicda waaweyn ee xukuumadda hadda jirta. Xafladdan oo ay soo agaasintay Wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada, ayaa lagu muujiyay muhiimadda dhirta iyo tallaabooyinka loo baahan yahay si loo xoojiyo dhaqanka beerista iyo ilaalinta deegaanka.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay saamaynta taban ee isbeddelka cimilada, isagoo tilmaamay in kor u kaca heer-kulka, xaalufka dhirta, iyo abaaraha soo noqnoqda ay si xun u saameeyeen nolosha bulshada Somaliland. Waxa uu sidoo kale xusay in xaalufinta dhirta ee ka dhalatay isbeddelka cimilada ay sababtay in beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada ay ku qasbanaadaan inay u guuraan magaalooyinka, taasoo sii kordhinaysa cadaadiska deegaanka.
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in mashruuca Beerista 3 Milyan ee Geed uu yahay qayb ka mid ah qorshayaasha xukuumadda ee dib-u-habaynta dhulka iyo ka hortagga nabaad-guurka.
Tallaabadan ayaa salka ku haysa ballan-qaadyadii doorashada, iyadoo ay xukuumadda la doonayo in la soo celiyo carrada ku-haboon wax beerista, isla markaana la gaaro yoolka ilaalinta deegaanka ee xukuumadda.