Saturday, April 19, 2025

Soomaaliland oo hay’ad UK ka dhisan kala kaashaneysa maalgelinta beeraha

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa shalay Madaxtooyada Somaliland kulan kula yeeshay madaxda sare ee Hay’adda Pharo Foundation, oo ah hay’ad ka shaqaysa arrimaha horumarka aadanaha, gaar ahaan waxbarashada, caafimaadka, beeraha, biyaha, iyo degaanka.

Kulankan, oo Madaxweyne Cirro ay ku wehelinayeen xubno ka tirsan Xukuumadda Somaliland, waxa ay la yeesheeen madaxda ugu sareysa ee Pharo Foundation.

Sida lag u sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliland Ujeeddada kulankan waxa ay ahayd sidii Somaliland iyo Pharo Foundation uga wada shaqeyn lahaayeen maal-gelinta iyo hirgelinta wax-soo-saarka beeraha iyo kobcinta sugnaanshaha cuntada.

Madaxweyne Cirro ayaa soo dhaweeyay kulanka, isagoo sheegay in Xukuumaddiisu ay ka go’an tahay soo jiidashada iyo la-shaqaynta cid kasta oo si dhab ah u maal-gashanaysa beeraha, xoolaha, macdanta, iyo khayraadka kala duwan ee Somaliland.

“Madaxwaynuhu waxa uu masuuliyiinta Hay’adda Pharo Foundation u sheegay sida Somaliland uga go’an tahay in ay si daah-furan ula shayso maal-gashadayaash, si Qaran ahaan loo hiigsado horumar waara iyo sugnaansho cunto,” ayaa lagu yri warsaxaafadeedka madaxtooyada Soomaaliland.

Sidoo kale waxaa lag u sheegay warsaxaafadeed in madaxda sare ee Pharo ay u yimaadeen Hargeysa si ay ugala hadlaan mashruuca beeraha ugu weyn ee ay hay’adda qorsheyneyso in ay ka hirgeliso Somaliland, kaasoo wax badan ka tari doono horumarinta dhaqaalaha Soomaliland.

Pharo Foundation ayaa ah hay’ad samafal oo madax-bannaan, oo saldhigeedu yahay Boqortooyada Ingiriiska lana  aasaasay sanadkii 2011, taasoo xoogga saarta waxbarashada, biyaha, iyo korriinka wax-soo-saarka. Hay’addu waxay ka hawlgashaa meelaha klaa ah Somaliland, Itoobiya, Kenya, iyo Ruanda, iyadoo bixisa barnaamijyo taageeraya bulshada iyo dhaqaalaha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here