Saturday, April 19, 2025
Array

AS oo Gacanta Ku Dhigtay Magaalada Aadan Yabaal.

Muqdisho, 16 Abriil 2025Al-Shabaab ayaa la wareegtay gacan ku haynta magaalada Aadan Yabaal, oo ku taalla gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib weerar culus oo ay ku qaadeen saldhigyada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sida uu u sheegay sarkaal amni oo codsaday in aan magaciisa la shaacin sababo la xiriira xayiraadaha saxaafadda, Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa aroornimadi hore ee saakay ku qaaday saldhigyada ciidamada Soomaaliyeed ee magaalada iyo nawaaxigeeda, taasoo keentay in ciidamada ay ka baxaan magaalada kadib dagaal qaraar.

“Dagaal culus ayaa dhacay kadib weerarro dhowr ah oo isku mar la qaaday. Ugu dambeyn ciidamadu waa ay ka soo baxeen magaalada,” ayuu yiri sarkaalka.

Waxaa la rumeysan yahay in labada dhinacba ay khasaare ka soo gaartay dagaalka, inkasta oo tirada saxda ah ee dhimashada aan weli la xaqiijin.

Magaalada Aadan Yabaal waxay qiyaastii 245 kiiloomitir u jirtaa caasimadda Muqdisho, waxayna leedahay muhiimad ciidan iyo istiraatiijiyad xagga saadka ah, maadaama ay tahay xarun isku xirta dowlad-goboleedka Hirshabeelle iyo dowlad-goboleedka ee Galmudug.

Aadan Yabaal ayaa horey looga saaray kooxda Al-Shabaab sannadkii 2022 intii lagu guda jiray howlgalkii milatari ciidamada Soomaaliya oo taageero ka helayay Ciidamda  deegaanka.

Qabsashada magaalada Aadan Yabaal ayaa walaac weyn ka dhalisay, iyadoo muujinaysa caqabadaha sii kordhaya ee ka hor yimid dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab, iyo awoodda kooxda ay weli u leedahay in ay fuliyaan weerarro qorsheysan oo ku wajahan bartamaha iyo koonfurta dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here