Saturday, April 19, 2025

Jabuuti oo Boqolaal Askar ah Usoo Dirtay Soomaaliya

Ciidamo cusub oo ka socda Jabuuti ayaa shalay gaaray magaalada Beledweyne, caasimadda gobolka Hiiraan ee Soomaaliya. Ciidamadan cusub ayaa qayb ka ah hawlgallada AUSSOM ee ka bilaawday Soomaaliya.

Taliyaha Qeybta Afaraad ee howlgalka AUSSOM, Saciid Waaberi, iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa ku soo dhaweeyay ciidamadan garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.

Ciidamadan cusub ayaa sidoo kale loo qorsheeyay in ay ka howlgalaan magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ka qeyb qaadan doonaan howlgallada nabad ilaalinta.

Ciidamadan Jabuuti oo tiradoodu gaareyso boqolaal askari ayaa qayb ka noqon doona ciidamada Hill Walal 12, kuwaas oo qorshuhu yahay in muddo labo sano ah ay ka howlgalaan Soomaaliya, iyagoo ka shaqeynaya sidii loo soo celin lahaa nabadda iyo xasilloonida dalka.

Qoraal ka soo baxay wakaaladda wararka ee dowladda Jabuuti ayaa sheegay in howlgallada ciidamadan ay qeyb ka yihiin dadaallada Jabuuti ee lagu xoojinayo nabadgelyada iyo xasilloonida Soomaaliya, isla markaana ay taageero ka helayaan beesha caalamka iyo wadamada gobolka.

Howlgaladooda waxay qeyb ka noqon doonaan dadaalka Ciidamada Xoogga Dalka Jabuuti ee loogu talagalay nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, taasoo taageero ka helaysa beesha caalamka iyo wadamada gobolka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wakaaladda waraka dowladda Jabuuti.

Gobolka Hiiraan, ayaa dhawaanahan ka mid noqday goobaha ugu adag ee dagaalka ee u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab.

Jabuuti, oo ka mid ah dalalka sida dhow ula garab taagnaa Soomaaliya hawlgallada nabad-ilaalinta, ayaa ciidamadooda u soo diray Soomaaliya tan iyo 2011. Jabuuti ayaa sidoo kale ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ee ciidamo u soo diraya hawlgalka AUSSOM, iyada oo ciidamadeedu tiradoodu gaareyso 1,520 askari.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here