Sunday, April 20, 2025

Ciidamada Puntland oo sheegtay dilka 50 dagallamayaal oo Daacish

by Abukar Osman

Boosaaso, Soomaaliya – Ciidamada Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa dilay ku dhowaad 50 dagaallamayaal oo ka tirsan kooxda Daacishta Soomaaliya, kadib markii ay hawlgalo ka fuliyeen Togga Miiraale 24-kii saacadood ee la soo dhaafay.

Sida uu sheegay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland , ciidamada ayaa sidoo kale qabsaday hub badan, sahay, iyo agab kale oo ciidan ah inta lagu guda jiray weerarka, kaas oo ka dhacay aag istiraatijiyadeed oo muddo dheer loo arkey mid ay kooxda ku sugneed. Hawlgalku ayaa weli ka ayeey sheegeen in uu weli ka socda qaybo ka mid ah Togga Miiraale, iyadoo ciidamada ay sii wadaan howlkalka ka dhanka ah  xubnaha Daacish ee halkaas ku sugnaa.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah wejiga saddexaad ee dagaalka Puntland kula jirto kooxda Daacish, waxaana la filayaa in dhowaan la bilaabo wejiga afraad oo lagu damacsan yahay in si buuxda looga saaro kooxdaas deegaanada ay kaga suganyihiin buuraleyda gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here