Tuesday, April 22, 2025

Soomaaliya oo kordhisay muddada diiwaangelinta ururada siyaasadda.

Muqdisho, Soomaaliya – Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shalay shaaciyay in uu muddo dheeri ah uu ku daray diiwaangelinta ururada siyaasadda ee dalka kadib markii ay shalay ku ekeyd mudadii hore ee diiwaangelinta.

Qoraal kasoo baxay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo ku taariikheesnaa 20-ka April, ayaa Guddiga ku wargeliyay Ururrada Siyaasadda iyo dhammaan daneeyayaasha kale ee arrimaha Doorashooyinka in muddada diiwaangelinta ururrada siyaasadda lagu daray muddo sagaal (9) maalmood ah.

“Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha, wuxuu ku wargelinayaa Ururrada Siyaasadda iyo dhammaan daneeyayaasha kale ee arrimaha Doorashooyinka inuu ku kordhiyey muddada diiwaangelinta ururrada siyaasadda sagaal (9) maalin ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Guddiga.

Guddigu waxa uu xusay in muddada sagaalka maalmood ah ay bilaaban doonto maalinta Talaadada ee taariikhdu tahay 22/04/2025 kuna eg 30/04/2025.

Go’aankan ayuu guddigu sheegay in uu yimid kadib markii uu arkay codsiyada ururo soo gudbiyey dalabkooda oo isla arkaana maraya heerka hannaanka dhammaystirka shuruudaha iyo dukumentiyada ee Xafiiska Diwaan Hayaha Guud ee Guddiga.

Muddo kordhintaan ayaa noqonaysa tii labaad ee uu Guddigu sameeyo tan iyo markii uu bilaabay diiwaangelinta Ururada Siyaasadda.

Guddiga ayaa sidoo kale 19 April sheegay in illaa iyo hadda 17 urur ay iswaangeliyeen oo la siiyey shahaadada ururnimo ee Guddiga.

Diiwaangelinta ururada siyaasadda ee Guddiga Madaxa-bannaan ayaa la furay 20-kii Janaayo, taasoo ka dhigan in muddo dhan 100 maalmood ay socon doonto, walow la kordhin karo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here