Tuesday, April 22, 2025

Marco Rubio oo beeniyey in Trump uu qiimeynayo joogitaankiisa Soomaaliya

by Abukar Osman

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa si xooggan u diiday warbixin sheegaysa in maamulka Trump uu qorsheynayo inuu si weyn u yareeyo hawlgallada Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, isagoo ku tilmaamay warbixinta “war been abuur ah”.

Rubio ayaa sheegay in warbixinta la daabacay ee New York Times ay ahayd “khuraafaad”, isagoo si gaar ah u weeraray warbaahinta, taasoo sheegtay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ay qorsheyneyso in ay joojiso inta badan hawlgalladeeda Afrika iyo hoos u dhigidda joogitaankeeda Canada.

“Tani waa war been abuur ah. New York Times ayaa noqotay dhibane oo mar kale la khiyaamay,” ayuu Rubio ku yiri bartiisa X.

Warbixinta ayaa sheegtay in qorshayaasha isbeddelada la soo jeediyay, haddii la hirgeliyo, ay yareynayaan kharashyada dowladda Maraykanka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyadoo la dhimayo joogitaanka safaaradaha iyo qunsuliyadaha caalamka.

Safaaradaha la qorsheynayo in la xiro waxaa ka mid ah kuwa ku yaal Lesotho, Jabuuti, iyo Jamhuuriyadda Kongo, iyo qunsuliyadaha ku yaal Faransiiska, Jarmalka, iyo Koonfur Afrika.

Waxaa sidoo kale la sheegay in la dhimayo saameynta diblomaasiyadda Maraykanka ee Soomaaliya iyo Ciraaq, iyadoo la qorsheynayo in la sameeyo “nooc cusub” oo taageeraya hawlgalada diblomaasiyadeed, iyadoo shaqaalaha iyo masuuliyadaha la soo koobi doono.

Si kastaba ha ahaatee, Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Wakiillada ee Xisbiga Dimuqraadiyiinta ayaa usoo jeediyey Wasiirka Arrimaha Dibadda, Rubio, in uu ka soo muuqdo Kongarees si uu u cadeeyo warbixintan uu ugu yeeray “been abuurka.”

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here