Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Puntland
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad goboleedka Puntland, Mudane Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirweynaha Maalgelinta Caafimaadka ee Puntland, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Caafimaadka. Shirkan waxaa ka soo qeybgalay dhinacyada kala duwan ee ay khuseyso, sida hay’adaha Puntland ee heerarka kala duwan, wakiillada ka socda hay’adaha caalamiga ah ee arrimaha caafimaadka, ganacsatada, qurbojoogta iyo bulshada.
Muqdisho
Si looga hortago eedxa loo geysto qaar ka mid ah shaqaalaha rayidka ee dowladda Soomaaliya, maanta waxaa la daahfuray hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ah, taasoo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo cududdada shaqaalaha Soomaaliyeed waa hadii si sax ah loo fuliyo.
Mareykanka
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa si xooggan u diiday warbixin sheegaysa in maamulka Trump uu qorsheynayo inuu si weyn u yareeyo hawlgallada Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, isagoo ku tilmaamay warbixinta.
Muqdisho
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si xoogan u diiday qorshaha Puntland ee ku saabsan dhisidda nidaam aqoonsi gaar ah, iyadoo muujisay in nidaamka aqoonsiga qaranka Soomaaliya uu yahay mid wadareed oo dalka oo dhan ka hirgalay.
Muqdisho
Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shalay shaaciyay in uu muddo dheeri ah uu ku daray diiwaangelinta ururada siyaasadda ee dalka kadib markii ay shalay ku ekeyd mudadii hore ee diiwaangelinta.
Somaliland
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw cabdi ayaa sheegay in Magaalada Ceerigaabo ay ka midtahay Somaliland, nabad qabkeedana somaliland dhan ay muhiim utahay.
Jabuuti
Waxaa si rasmi ah loogu soo gunaanaday gobolka Jajoora kulanka sanadlaha ah ee culimada Tabliiqa, kaas oo sanadkan noqday mid ka mid ah kulamada ugu ballaaran ee abid lagu qabto gobolka, iyadoo ay kasoo qaybgaleen kumanaan qof oo kala yimid caasimadda, gobollada dalka, iyo meelo kale oo kala duwan.