Monday, June 9, 2025

Puntland oo Furay Shirweynaha Maalgelinta Caafimaadka

~ Abukar Osman

📍 Garoowe, Puntland – 15 Abriil 2025

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad goboleedka Puntland, Mudane Ilyas Osman Lugatoor, ayaa si rasmi ah u furay Shirweynaha Maalgelinta Caafimaadka ee Puntland, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Caafimaadka. Shirkan waxaa ka soo qeybgalay dhinacyada kala duwan ee khuseeya, sida hay’adaha Puntland ee heerarka kala duwan, wakiillada ka socda hay’adaha caalamiga ah ee arrimaha caafimaadka, ganacsatada, qurbojoogta, iyo bulshada.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sheegay in shirkan uu wax badan kusoo kordhinayo siyaasadda Puntland ee horumarinta caafimaadka iyo sidii adeegga caafimaadka loo gaarsiin lahaa dhammaan dadka Puntland.

Mudane Ilyas Osman Lugatoor ayaa ugu baaqay ganacsatada, qurbojoogta, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada in ay xoogga saaraan maalgelinta adeegyada caafimaadka, isagoo mahadceliyey ganacsatada xarumaha caafimaadka ee gaarka ah ee hore ugu hirgeliyey Puntland, kuwaas oo muujiyey dadaal bulsho.

Shirkan, oo socon doona labo maalmood, ayaa lagu soo bandhigay horumarka dhinaca caafimaadka ee laga sameeyey iyo shaqooyinka socda. Intii uu shirku socday, ka soo qeybgalayaasha ayaa lagu wargeliyay ilaha maalgelinta caafimaadka ee macquulka ah, si loo hirgeliyo adeeg caafimaad oo casri ah oo dalka looga maarmo dibedda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here